Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kusoo laabatay jidka guusha, waxaanay saddex dhibcood oo muhiim ah kasoo qaateen Fulham oo ay ku booqdeen magaalada London, halkaas oo gool madi ah oo waqti dambe uu u dhaliyey Bruno Fernandes ay kusoo badiyeen.
Qalad ay sameeyeen difaacyahannada Fulham oo saddex jeer kubbado ay laadeen u dhiibay ciyaartooyo hortooda taagnaa, ayaa waxa ugu dambayntii uu darbad xooggan ku celiyey Bruno Fernandes oo ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Bernd Leno.
Manchester United oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay Manchester City iyo Newcastle ka badiyeen ayaa si aad ah ugu baahnayd guul ay hesho, waxaana natiijada ay maanta soo heleen ay usoo dallacsiisay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, inkasta oo ay ciyaartoodu ahayd kulankii koowaad ee usbuucan.
Tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey ee ciyaarta ayay Manchester United u dabbaal-degtay gool uu u dhaliyey Scott McTominay, balse markii ay dabbaal-degga dhamaysteen ayay VAR soo dhax-gashay oo ay hubsiimo dheer kaddib meesha ka saartay goolkaas oo lagu qaaday offside.
Ciyaartan oo labada kooxoodba ay ku dhibaatoodeen sidii ay fursado u abuuri lahaayeen qaybta hore, ayaa waxay Man United goolka Fulham toogatay hal mar oo kaliya qaybta hore, waxaanay ku kala nasteen goolal la’aan.
Markii lagu soo laabtay qaybta labaad ayay Fulham kordhisay weerarkeeda, waxaana laba jeer la baxsaday Andre Onana oo kubbado halis ahaa ka qabtay Wilson iyo Willian halka Palhinha isku day uu sameeyey uu joojiyey goolhayaha reer Cameroon.
Bruno Fernandes ayaa darbad xooggan oo uu ku toogtay goolka Fulham waxa isku duubay goolhaye Leno oo sidoo kalena kubbad ka badbaadiyey Alejandro Garnacho oo dhawr difaac kasoo dhax-saaray kubbad halis ahayd.
Daqiiqaddii 90+1 ee waqtiga dheeraadka ah ee lagu daray ciyaarta ayaa Manchester United ay keentay goolka guusha oo uu u dhaliyey Bruno Fernandes oo bannaanka kaga toogtay kubbad ay difaacyada Fulham saddex jeer laadeen oo ay u dhiibeen ciyaartooyo Man United ah.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester United ay yeelatay 18 dhibcood oo ay ka urursatay 11 ciyaarood oo Premier League ah, iyagoo badiyey lix jeer, shanta kalena laga badiyey.
Be the first to comment