Lionel Messi ayaa si dhab ah usoo afjaray rajo kasta oo ku jirtay kooxdiisii hore ee Barcelona oo ku fikiraysay in ay la saxeexato oo ay amaah kaga soo qaadato Inter Miami, kaddib markii uu fasax galay horyaalka waddanka Maraykanka ee MLS oo dib loogu soo noqon doono dhamaadka bisha February.
Xiddiga reer Argentina oo Isniintii ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or markiisii siddeedaad, ayaa waxa uu waraysi siiyey wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska.
Waxa lagu weydiiyey haddii uu qorshihiisu yahay inuu dib ugu soo laabto qaaradda Yurub oo uu ka ciyaaro, maadaama ay jiraan warar sheegaya in naadigiisii hore ee Barcelona uu danaynayo, waxaanu ku jawaabay: “Illaahay ayaa mahad-leh, sababtoo ah waqti heersare ah ayaan kusoo qaatay Yurub oo aan ku guuleystay wax walba oo aan ku riyoonayay. Hadda, waxa aan go’aansaday in aan tago Maraykanka, umana malaynayo in aan marnaba dib ugu soo noqon doono Yurub oo aan ka ciyaari doono.”
Mar si gaar ah loo weydiiyey xiisaha Barcelona waxa uu ku jawaabay: “Waan ku laaban karayay laakiin aniga ayaan doonayn. Waxa jirtay xaalad la mid ah middii dhacday 2021, waxay la mid ahayd isla arrintii sababtay in aan tago PSG 2021kii. Waan ka fikiray in aan ku laabto Barcelona, noloshaydii halkaa, in aan hawlgab ku noqdo halkaas oo aan mar walba doonayey, laakiin suurtogal iima ahayn.”
Be the first to comment