DEG-DEG: Marcus Rashford Oo Laga Saaray Liiska Ciyaartoyda Man United Ee Kulanka Fulham


Xiddiga reer England ee Marcus Rashford ayaa ka maqan kulanka adag ee Fulham ee ay kooxdiisu u baahan tahay guusha si ay ugu soo laabtaan tubta libinta ee ay ka maqnaayeen labadii kulan ee ugu dambeeyey ee ay sida xun u karbaasheen Manchester City iyo Newcastle United.

Rashford oo lagu haysto in uu xaflad tamashleh ah qabsaday kaddib guul-darradii Manchester City ee Axaddii, ayaa waxa la sheegay in uu dhaawacan yahay oo aanu tababarka la qaadan ciyaartoyda kooxdiisa maalintii Jimcihii.

Laacibkan ayay jug kasoo gaadhay tababarka, waxaana aan lagu soo darin liiska ciyaartoyda, iyadoo weerarka uu booskiisii galay Alejandro Garnacho oo garabka bidix ka ciyaaraya, halka Antony uu dhinaca midig joogo oo uu caawin doono Rasmus Hojlund.

Khadka dhexe ee uu ka dhaawacan yahay Casemiro ayaa waxa kusoo wada bilowday Scott McTominay, Christian Eriksen iyo Bruno Fernandes iyadoo kaydka loo diray Sofyan Amrabat iyo Mason Mount, waxaana sidoo kale fadhiya Raphael Varane oo laga doorbiday Harry Maguire iyo Jonny Evans.

Difaaca midig ayaa waxa dib ugu soo laabtay Aaron Wan-Bissaka, halka Diogo Dalot la geeyey difaaca bidix oo uu ka beddelay Sergio Reguilon.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United XI: Onana, Wan-Bissaka, Evans, Maguire, Dalot, McTominay, Eriksen, Antony, Fernandes, Garnacho, Hojlund.

Kaydka: Bayindir, Amrabat, Mount, Martial, Reguilon, Varane, Pellistri, Mainoo.

Fulham XI: Leno, Castagne, Bassey, Ream, Robinson, Palhinha, Iwobi, Wilson, Pereira, Willian, Muniz.

Kaydka: Rodak, Reed, Jimenez, Cairney, Ballo-Toure, De Cordova-Reid, Lukic, Vinicius, De Fougerolles

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*