Magaalo Biyo Qarqiyeen Oo Dalbatay In La Baajiyo Kulanka Ugu Adag Horyaalka Serie A


Horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A, waxa halis ku jira ciyaaraha toddobaadkan qaarkood waxaana lasoo jeedinayaa in la kansalo oo waqti dambe loo muddeeyo kulamada magaalooyinka qaarkood, sababtoo ah waxa waddankaas ka da’aya roobab mahiigaan ah oo khasaare geystay.

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Fiorentina ayaa waxay ka dalbadeen maamulka horyaalka Talyaaniga, in la kansalo ciyaarta Juventus ay la ballansan yihiin Axadda, sababtoo ah daadad ayaa qarqiyey maxadadda tareenka ee Florence iyo waddooyinka waaweyn.

Daadadka ayaa waxay ka dhasheen roobab waaweyn oo maalmihii ugu dambeeyey ka da’ayay gobollada Tusccany iyo badhtamaha Talyaaniga, waxaana ku dhintay illaa lix qof, kuwo kalena waa la la’yahay sida ay ku warrantay Reuters.

Mayorka magaalada Florence oo lagu magacaabo Dario Nardella ayaa saxaafadda u sheegay maanta, in aanu jirin wax qorshe ah oo la xidhiidha in dib loo dhigayo ciyaarta Fiorentina vs Juventus, taas beddelkeedana ay doorbidayaan in ciyaarta ka hor hal daqiiqo loo aamuso dadkii waxyeelladu kasoo gaadhay roobabkan.

Hadalka Mayarka ayaa waxa kasoo horjeedsaday taageereyaasha mayalka adag ee Fiorentina ee Curva Fiessole oo war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhigo ciyaartan, hase yeeshee waxa laga war-sugayaa maamulka horyaalka Serie A oo daraasanaya xaaladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*