TAARIIKH: Garsooraha Ciyaarta Fulham vs Man United Oo Taariikh Cusub Ka Noqonaya Horyaalka Premier League


Ciyaarta Manchester United iyo Fulham ee Premier League ee Sabtida ayaa loo magacaabay in ay garsoore ka noqoto haweenay lagu magacaabo Rebecca Welch, waxaana ciyaartii ugu horreysay ee horyaalka Premier League ah ee abid ay garsoore ka noqoto qof dumar ah.

Rebecca Welch oo ay da’deedu tahay Rebecca Welch ayaa usoo xidh-xidhan doonta garoonka Graven Cottage oo ay hoggaamin doonto ciyaarta adag ee Manchester United ay guusha qasabka ka doonayso Fulham si ay ugu soo laabtaan dariiqa guusha kaddib laba ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo si xun loogu garaacay Old Trafford.

Rebecca Welch oo hore taariikh u samaysay sannadkii 2021 markii ay qabatay ciyaar u dhaxaysay Port Vale iyo Harrogate oo horyaalka League Two ah, ayaa waxa kale oo sannadkii hore ay noqotay gabadhii ugu horreysay ee garsoore ka noqota ciyaar FA Cup ahayd oo u dhaxaysay Birmingham iyo Preston.

Rebecca Welch waxay noqon doontaa garsooraha afraad iyadoo John Brook uu garoonka dhexdiisa taagnaan doono oo uu ciyaarta ka hagi doono, halka calan-wadeyaal ay yihiin Wendy Toms, Sian Massey-Ellis iyo Natalie Aspinall.

Hore waxa garsooraha afraad ee ciyaar Premier League ah usoo noqotay Messay-Ellis ciyaar u dhaxaysay West Ham United iyo Everton sannadkii 2017, balse waxa ay ku kala duwan yihiin ayaa ah in Maassey-Ellis ciyaartaas lagu qoray inay ahaato calan-wade balse dhaawac soo gaadhay awgeed ay ku noqotay garsooraha VAR.

Waxa kale oo Massay-Ellis loo magacaabay in ay noqoto gacan-yaraha ama caawiyaha garsooraha VAR kulanka Fulham vs Manchester United ee Sabtida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*