Jude Bellingham Oo Magacaabay SADDEXDA Ciyaartoy Ee Uu Ku Dayan Jiray


Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa magacaabay saddex ciyaartoy oo kubadda cagta ah oo uu ku dayan jiray carruurnimadiisii, kuwaas oo uu ka dhigtay hal-beeg si uu guulo u gaadhi karayo.

Jude Bellingham oo xagaagii ay Real Madrid kasoo iibsatay Borussia Dortmund ayaa xilli-ciyaareedkan socda waxa uu u saftay 13 ciyaarood oo uu u dhaliyey 13 gool, waxaana laba gool uu israaciyey kulankii Barcelona ee El Clasico oo uu guul ku hoggaamiyey naadigiisa.

20 jirkan ayaa saddex sannadood oo uu kusoo qaatay horyaalka Bundesliga oo uu u ciyaarayay Borussia Dortmund oo kasoo iibsatay Birmingham City isaga oo 17 jir ah, waxa uu waqti kooban ku noqday hoggaamiyaha Real Madrid.

Waraysi uu siiyey wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, Jude Bellingham ayaa waxa uu ku sheegay magacyada saddex ciyaartoy oo aanad garanayn oo carruurnimadiisii uu u yaqaannay halyeeyada uu ku daydo, waxaanu yidhi: “Halyeeyadaydu waxay ahaayeen Seb Larsson, Craig Gardner iyo Lee Bowyer oo dhamaantood Birmingham ahaa. Aabbahay ayaa sidoo kale muhiim ii ahaa.”

Markii uu weynaaday, waxa kale oo uu Jude Bellingham mar walba la socon jiray Zinedine Zidane oo Real Madrid ah oo uu ku tilmaamay ninka uu daawan jiray muuqaalladiisa, Waypne Rooney iyo Steven Gerrard.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*