Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo la ciyaarayo kulamadii 11aad, waxa toddobaadkan ballansan kooxo waaweyn oo si weyn indhaha loogu hayo natiijooyinkooda, waxaana ka mid ah Arsenal iyo Newcastle United oo is-arki doona iyo Tottenham iyo Chelsea oo iyaguna ciyaar xaasaasi ah ku kulmi doona.
Khabiirka ciyaaraha Dimitar Berbatov ayaa saadaaliyey kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League, waxaana uu barbarro ku kala-saaray Arsenal iyo Newcastle United, taas oo ka dhigan in ay isla degi doonaan labadan kooxood.
Kooxdiisii hore ee Tottenham ayuu Dimitar Berbatov u saadaaliyey guul ay ka gaadhi doonaan Chelsea oo ku booqanaysa garoonka Tottenham Hotspur Stadium, waxaana uu saddexda dhibcood ugu sii bushaareyey Tottenham, iyadoo guulihii xidhiidhka ahaa ee Chelsea ay soo afjarmi doonaan.
Dimitar Berbatov waxa uu ka niyey Manchester United oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey lagu xasuuqay min 3-0 iyaga oo waliba joogay garoonka Old Trafford, waxaanay barbarro la geli doonaan Fulham.
Liverpool iyo Manchester City ayaa sare usoo dallici doona oo natiijooyin fiican ka keeni doona kulamadooda horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan.
Saadaasha Dimitar Berbatov oo dhamaystiran
Fulham 1-1 Man United
Brentford 1-0 West Ham
Burnley 1-1 Crystal Palace
Everton 1-3 Brighton
Be the first to comment