Tababaraha kooxda kubadda agta Manchester United ayaa ka dalbaday ciyaartoda kooxdiisa ee ku kacsan in uu mid-mid iyo si gooni-gooni ah ula kulmo si uu u dejiyo xiisadda kacsan ee ka taagan qolka labbiska oo la sheegay in ciyaartoydu ku kala qaybsan yihiin.
Erik ten Hag ayaa waxa uu ku dedaalayaa sidii uu u badbaadsan lahaa shaqadiisa ee uu iskaga dejin lahaa culaysyada badan ee haysta ee ka dhashay natiijooyinka garoomada iyo xurgufta u dhaxaysa ciyaartoydiisa.
Tababaraha reer Netherlands ayaa waxa uu ogsoon yahay, in si uu naadiga guul u gaadhsiin karo, in looga baahan yahay in uu xalliyo xurgufta qolka labbiska, isla markaana shaqaalaha iyo ciyaartoyduba ay ka raali ahaadaan.
Maanta oo Jimce ah iyo Sabtida berri ayaa la sheegay in uu kulamo is-daba joog ah Erik ten Hag la yeelan doono shaqaalaha kooxda iyo ciyaartoyda, waxaana uu qorshihiisu yahay in uu xaalad deggenaan ah kusoo celiyo qolka labbiska ka hor ciyaarta Fulham.
Lama sheegin in uu la kulmi doono xiddiga uu kooxda dibedda ka dhigay ee Jadon Sancho, hase yeeshee waxa la warinayaa in Ten Hag ay is-arki doonaan Aaron Wan-Bissaka, Antony, Andre Onana, Anthony Martial iyo kuwo kale.
Be the first to comment