Sirta guulaha Tottenham ee xilli-ciyaareedkan, waxa tababare Ange Postecoglou iyo James Maddison la wadaaga mucjisada boosaska badan ka ciyaara ee Pape Matar Sarr oo lagu tilmaamay sirta qarsoon ee ka dambaysa guulaha Spurs ay kasoo hoynayso garoomada.
Tottenham oo hoggaaminaysa horyaalka Premier League, ayaa waxa tobankii ciyaarood ee ay dheeshayba ugu soo bilowday Pape Matar Sarr oo afar boos oo kala duwan ka ciyaaray, kaas oo shaqada uu garoonka ka qabtay aanu marar badan ku helin aqoonsigii uu mudnaa.
21 jirkan ayaa kalsooni badan ka helay tababaraha reer Astralia ee Ange Postecoglou oo siiyey boos joogto ah, halka xilli-ciyaareedkii hore uu tababaraha Talyaaniga ee Antonio Conte ka dhigay ciyaartoy beddel ku yimaadda oo uu 14 kulan oo kaliya oo dhamaan tartamada ah uu safay.
Xiddigan reer Senegal ayaa waxa ay khadka dhexe si joogto ah ugu soo wada bilowdaan Yves Bissouma iyo James Maddison oo ay si cajiib ah isku fahmaan, waxaase mararka qaarkood laacibkan da’da yar loo isticmaalaa difaaca dhexe oo uu buuxiyey boosaska Cristian Romero ama Micky van de Ven halka uu sidoo kalena ka ciyaari karayo weerarka oo uu caawin karayo Heung-min Son.
Taageereyaasha kubadda cagta ayaa ku dawakhsan inay ogaadaan booska uu ugu fiican yahay Sarr ee ay tahay in loo daayo, laakiin tababare Ange Postecoglou ayaa waxa uu sheegay in laacibkani uu ka ciyaari karayo boos kasta oo khadka dhexe ah, sida No.10, No.8 iyo No.6 iyo difaaca intaba.
Be the first to comment