Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa xalay lagu sameeyey qalliin saacado qaatay kaddib dhaawac cuslaa oo kasoo gaadhay isha jilibka bishii hore kulan uu xulkiisa Brazil guuldarro kala kulmay Uruguay.
Dhaawacan oo yimid laba bilood oo kaliya kaddib markii uu Neymar u wareegay kooxda horyaalka Sucuudiga ee A-Hilal oo toddobaadkii uu mushahar uga qaadanayo £2.5 milyan oo Gini, ayaa waxa dhaawaciisani uu ka xakamayn doonaa garoomada muddo toban bilood ah.
Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegayso, Neymar Jr ayaa la filayaa in uu toban bilood jiifi doono, waxaana uu ka maqnaan doonaa tartanka qaramada Latin America ee Copa America 2024 iyo inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda oo aanu naadigiisa Al-Hilal mar kale u dheeli doonin.
Haddii uu Neymar Jr ka maqnaado garoomada muddo toban bilood oo buuxa, waxa ay khasaare weyn ku tahay kooxdiisa Al-Hilal, sababtoo ah waxay muddadaas uu dhaawaca yahay mushahar u siin doonaan lacag gaadhaysa £107 milyan oo Gini.
Laacibkan ayaa sawir iskaga soo qaaday cusbitaalka isaga oo lagu sameeyey qalliin oo ay dul-taagan yihiin Dr. Rodrigo Lasmar oo ah dhakhtarka xulka qaranka Brazil ee qalliinka ku sameeyey, kaas oo sidoo kalena ah dhakhtarka kooxda Atletico-MG.
Si kastaba ha ahaatee, Brazil ayaa ku ducaysanaysa in Neymar uu kusoo laabto garoomada ka hor tartanka Copa America ee Jun;e 2024, inkasta oo waqtiga loo qabtay soo-kabashadiisa ay adkaan doonto inuu fursad u heli karo tartankaas.
Be the first to comment