Kylian Mbappe Oo Noqonaya Ciyaartoy Real Madrid Ah Iyo Mushaharkiisa Oo Lasii Ogaaday


Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa la sheegay in uu u wareegayo Real Madrid dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana uu rumayn doonaa riyadiisii ahayd inuu ka ciyaaro Santiago Bernabeu oo uu waliba si xor ah ugu biiri doono, haddii aanay inta ka horreysa bisha January isla meel-dhigin kooxdiisa PSG qandaraas qasab ka dhigaya in la iibiyo bisha June.

Sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, Kylian Mbappe ayaa noqon doona ciyaartoy Real Madrid ah, waxaanay isaga iyo qoyskiisuba isku diyaarinayaan in ay u guuraan magaalada Madrid oo ay bilaabeen inay ka raadsadaan guri ay degaan.

Mbappe oo heshiis laba sannadood ahaa oo uu saxeexay sannadkii 2022 ay ku eg yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxa sidoo kale lasii ogaaday mushaharka ay Real Madrid u diyaarisay in ay siiso, waxaana sannadkii uu jeebadda ku shuban doonaa €35 milyan oo Euro naqad ah.

Wariyaha ciyaaraha telefishanka El Chiringuito ee Josep edrerol ayaa sheegay in Florentino Perez aanu ka laba-labayn doonin bixinta mushaharkan, iyadoo ciyaartoyguna uu ogolaaday inuu sannadkii ka qaato Los Blancos lacag ka hoosaysa inta ay siiso PSG waqtigan.

Warka ayaa intaa ku daray, in Kylian Mbappe uu ogsoon yahay in ay tahay markii ugu dambaysay ee uu tegi karayo Real Madrid, halka kooxda reer Spain aanay dib dambe iskugu dayi doonin inay la saxeexato xiddiga reer France haddii uu xagaagan dhabarka u jeediyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*