Daaficii Hore Ee Liverpool Sakho Oo Isaga Tagay Kooxdiisa Ka Dib Markii Ay Tababarka Ku Dagaalameen Tababarihiisa


Daafacii hore ee Liverpool Mamadou Sakho ayaa isaga tagay Montpellier isagoo u sababeeyay xushmad darro ka dib markii ay isku dhaceen tababarihiisa.

Sakho waxa uu sheegay inuu si ragganimo leh uga dhaqaaqay kooxda ka dib markii la sheegay inay garoonka tababarka isku dagaaleen tababare Michel Der Zakarian iyadoo daafaca Faransiiska uu haraantiyay tababaraha.

Xidigii hore ee PSG iyo Crystal Palace, oo 33 jir ah, ayaa soo saaray bayaan dheer oo ku saabsan sida lama filaanka ah ee uu uga tagay kooxda Faransiiska ee Montpellier.

Sakho ayaa yiri: “Waa inaad taqaanaa sida looga dhaqaaqo miiska marka ixtiraam la’aan laguu muujiyo.

“Kadib dhacdadii todobaadkii hore ka dhacday xarunta tababarka oo aan diiday mas’uuliyadeeda, waxaan go’aansaday maanta oo ah 11/2/2023, inaan joojiyo wadashaqeyntii aan la lahaa kooxda isboortiga ee Montpellier.”

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa u mahad celiyay saaxiibadiisa kooxda, taageerayaasha iyo shaqaalaha caafimaadka, sidoo kale agaasimaha ciyaaraha Bruno Carotti iyo madaxweyne Laurent Nicolin.

Inkastoo uusan xusin tababaraha Mareykanka ee Der Zakarian, wuxuu yiri “Waxaan u kulanay si raganimo ah, aan u kala tagno si ragganimo ah.”

Montpellier ayaa lagu soo waramayaa inay baarayaan isku dhaca la sheegay inuu dhexmaray Sakho iyo tababaraha.

Mustaqbalkiisa ayaana u muuqday mid aan la hubin xitaa ka hor inta uusan go’aansanin inuu ka tago kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*