Saadaasha Khabiirka BBC Sports Ee Chris Sutton Ee Premier League – Muxuu Ka Yidhi Fulham vs Man United, Arsenal vs Newcastle & Tottenham vs Chelsea?


Manchester United waxay guul-darraysatay siddeed ka mid ah 15 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo ay dheeshay xilli-ciyaareedkan, laakiin Sabtida waxay geli doonaan hakad u dhexeeya guul iyo guul-darro, waxaanay dhibcaha qaybsan doonaan Fulham, sida uu saadaaliyey khabiirka BBC Sports ee Chris Sutton.

Khabiirka oo hadlayay ka hor saadaashiisa ayaa yidhi: “Fulham kuma jirto waqti wanaagsan, laakiin sidee ayaad u taageeri kartaa Manchester United waqtigan? Xilli-ciyaareedka oo dhan hal kulan oo kaliya ayay ciyaar fiican dheeleen, waana ciyaartii Crystal Palace ee Carabao Cup.”

Sutton waxa uu saadaashiisa ku sheegay in Manchester United iyo Fulham ay ku kala bixi doonaan barbarro ay min hal gool dhalinayaan, laakiin waxa uu guulo waaweyn siiyey Manchester City iyo Liverpool.

Waxa kale oo uu khabiirku saadaashiisa ka dhiibtay kulamada adag ee Newcastle vs Arsenal oo uu saddexda dhibcood jeebadda ugu shubtay Gunners, halka Chelsea uu kaga nixiyey saadaal murugo leh, waxaana uu u sheegay in Tottenham ay ku tuman doonto oo ay Spurs sii xajisan doonto hoggaanka horyaalka Premier League.

Saadaasha Chris Sutton ee toddobaadka 11aad ee Premier League waa sidan:

Sabti

Fulham 1-1 Manchester United

Brentford 2-0 West Ham United

Burnley 1-1 Crystal Palace

Everton 2-1 Brighton

Manchester City 4-0 Bournemouth

Sheffield United 0-1 Wolves

Newcastle 0-2 Arsenal

Axadda

Nottingham Forest 0-2 Aston Villa

Luton Town 0-3 Liverpool

Isniin

Tottenham 2-0 Chelsea

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*