Xiddigaha Man United Oo Ka Soo Horjeestay Erik Ten Hag Ka Dib Sidii Uu U La Dhaqmay


Ciyaartoyda Manchester United ayaa Erik ten Hag uga soo horjeestat qaabkii uu ula dhaqmay Jadon Sancho iyo Harry Maguire iyadoo uu cadaadis ku sii kordhayo tababaraha reer Holland.

Ka dib guuldarrooyin isdaba joog ah oo isku xigta oo ka soo gaaray Manchester City iyo Newcastle United, waxaa shaki la gelinayaa mustaqbalka Ten Hag, iyadoo Man United laga badiyay sideed ka mid ah 15kii kulan ee ugu horeysay ee ay ciyaareen xilli ciyaareedkan.

Ten Hag kama gabanin inuu gacan bir ah ku qabto ciyaartoyda kooxda markii uu Manchester United yimid, waana tii sabbatay in Cristiano Ronaldo uu kooxda ka tagay sannadkii hore halka Marcus Rashford lagu ciqaabay kursiga keydka mar uu tababarka ka soo daahay.

Sida ay sheegtay jariirada Telegraph, ciyaartoyda Manchester United ayaa su’aalo ka keenay hab dhaqanka tababare Ten Hag gaar ahaan sida uu u la dhaqmay Jadon Sancho iyo Harry Maguire.

Sancho ayaa laga saaray kooxda kulan ay Man United la ciyaartay Arsenal iyadoo ciyaarta ka dib uu Ten Hag warbaahinta u sheegay in sababtii uu Sancho uga tagay inay aheyd inuu ku liitay tababarka.

Laakiin xiddiga Ingariiska ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku beeniyay hadalka tababarihiisa isagoo sheegay in marmarsiiyo laga dhiganayo. Waxayna taasi keentay in Sancho gabi ahaanba laga mamnuuco kooxda koowaad.

Dhanka kale Maguire ayaa waayay booskiisa shaxda Man United xilli ciyaareedkii hore halka laga xayuubiyay kabtanimada xagaagii.

Waxayna tani keentay in ciyaartoyda Man United ay  soo bandhigaan inaysan ku faraxsaneyn sida Ten Hag uu u maareeyay xaalada labada ciyaaryahan, waxayna kala qeybsanaan ka dhex abuurtay qolka labiska Man United.

Ka dib guuldaradiii Newcastle, Man United waxay Sabtida la ciyaareysaa Fulham ka hor inta aysan Champions League la dheelin Copenhagen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*