Man United Oo Labo Tababare U Calaamadeysatay Bedelka Erik ten Hag


Manchester United ayaa labo tababare u calaamadeysatay bedelka Erik ten Hag sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Ingariiska.

Tababaraha Red Devils ayaa cadaadis ba’an uu ku haya Old Trafford, ka dib guuldarrooyin xiriir ah oo ka soo kala gaaray Manchester City iyo Newcastle oo min 3-0 uga badiyay.

Kooxda ayaa fadhisa kaalinta 8-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League,waxana ay sagaal dhibcood u jirtaa kooxda kaalinta koowaad ku jirta ee Tottenham Hotspur. Sidoo kale waxaa liita natiijooyinkooda Champions League iyadoo laga badiyay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ay ciyaareen wareega group-yada.

Waxay taasi keentay in Ten Hag uu qarka u fuulo in shaqada laga ceyriyo sida laga soo xigtay wargeyska Ingariiska ee The Times, madaama uu kooxda ku hogaamiyay bilowgeedii ugu xumaa muddo 61 sannadood ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in tababaraha kooxda Sporting Lisbon ee Ruben Amorim iyo Zinedine Zidane ay yihiin labada tababare ee ay kooxda u calaamadeysatay bedelka Erik ten Hag.

Zidane ayaa ah tababare tayadiisa lawada ogsoon yahay ka dib markii uu Real Madrid ku hogaamiyay dhowr koob oo Champions League, laakiin waxaan wax badan laga aqoonin Ruben Amorim, hadaba waa kuwa 38 jirka uu yahay Pep Guardiola.

Waa kuma Ruben Amorim?

Amorim wuxuu ka ciyaaray khadka dhexe ka hor inta uusan noqonin tababare, isagoo 95 kulan u saftay kooxda reer Portugal ee Benfica.

Kadib wuxuu xirfadiisa tababare ka bilaabay Casa Pia 2018kii, ka hor inta uusan ku biirin Braga B.

Markii dambe waxaa loo dalacsiiyay kooxda koowaad, waxaana loo magacaabay tababaraha Sporting Lisbon 2020kii.

Waxa uu tan iyo markaas tababare u ahaa kooxda reer Portugal oo uu ku hogaamiyay horyaalkoodii ugu horreeyay muddo 19 sano ah intii lagu jiray ololihii 2020/21.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*