Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhawaaqday go’aan ay ka gaadhay mustaqbalka tababare Erik ten Hag, kaddib natiijooyinka aadka u liitay ee ay kooxdaasi ka keentay garoomada xilli-ciyaareedkan, kuwaas oo ay uga sii dareen labadii khasaare ee waaweynaa ee Old Trafford loogu xambaariyey toddobaadkan.
Manchester United ayaa ku jirta xilli-ciyaareedkii ugu xumaa muddo 61 sannadood, iyadoo Arbacadii ay Newcastle United 3-0 ku garaacday kana reebtay tartanka Carabao Cup, iyadoo waliba kusoo booqatay garoonka Old Trafford.
Waxa kasii horreeyey oo Axaddii isla natiijadan oo kale u xambaarisay Manchester City oo iyaduna marti ugu ahayd Old Trafford, taas oo keentay in su’aal weyn la saaro mustaqbalka tababaraha reer Netherlands.
Saxaafadda Ingiriiska ayaa si weyn iskula dhax-qaadaysay maanta in shaqada laga caydhinayo Erik ten Hag, waxaana soo baxayay magacyada dhawr tababare oo beddelkooda lagu tilmaamay oo ay ka mid yihiin Zinedine Zidane, Diego Simeone, Roberto De Zerbi, Graham Potter iyo Ole Gunnar Solskjaer.
Sida uu hadda sheegay wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano, Manchester United ayaa xaqiijisay in aanay waqtigan shaqada ka eryaynin Erik ten Hag oo ay been yihiin wararka sheegaya in kooxdu ay raadinayso tababare cusub.
Warka uu helay Fabrizio Romano ayaa intaa ku daray, in Manchester United ay gebi ahaanba been-abuur ku tilmaantay wararka sheegaya in ay kooxdu go’aansatay in ay erido Erik ten Hag.
Be the first to comment