Kooxda kubadda cagta Manchester United waxay calaamadsatay tababareyaasha ay doonayso inay ku beddesho Erik ten Hag oo shaqada laga caydhin doono haddii aanu natiijooyin wanaagsan oo degdeg ah kasoo hoynin kulamada kooxdiisa ee soo socda.
Axaddii iyo Arbacadii oo min 3-0 ay ku garaaceen kooxaha Manchester City iyo Newcastle oo kusoo booqday Old Trafford ayaa Manchester United rajo la’aan ka dhigtay, waxaana iyagoo kaalinta siddeedaad ee Premier League fadhiya ay u muuqanayaan quus.
Halyeygii Red Devils ee Gary Nevilla ayaa sheegay in jawaabta kaliya ee laga bixin karayo xaaladda ay kooxdu ku sugan tahay ay noqonayso in shaqada laga eryo Erik ten Hag, kaas oo sidoo kale laga badiyey kulamadii Bayern Munich iyo Galatasaray ee Champions League, ka hor intii aanay guul nasiib ahayd ka gaadhin Copenhagen.
Saddexda ciyaarood ee ka horreeya kulamada caalamiga ah ee Fulham, Copenhagen iyo Luton Town ayaa Manchester United ay go’aan kaga gaadhaysaa tababare Erik ten Hag, iyadoo geesta kalena calaamadsatay tababareyaasha ay ku beddelayso.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, Manchester United waxay kala dooranayso toddoba tababare oo kala ah Graham Potter oo Chelsea eriday, Zinedine Zidane oo ah tababaraha ugu cadcad oo aan wax shaqo ah qabanin tan iyo markii uu iska casilay Real Madrid sannadkii 2021 iyo Roberto De Zerbi oo Brighton laylinayay tan iyo markii uu Potter iskaga tegay ee uu ka doortay Chelsea.
Waxa kale oo ay Manchester United diiraddeedu saaran tahay oo ay doonaysaa in ay si ku-meelgaadh ah kooxda ugu dhiibto Michael Carrick ama Ole Gunnar Solskjaer, laakiin waxa sidoo kale safka hore ee liiska macallimiinta ay doonayaan ku jira Diego Simeone oo Atletico Madrid tababare u ahaa muddo 12 sannadood ah isla markaana ay muuqato in uu qorshihiisu yahay in uu iyo Julian Nagelsmann oo dhowaan loo magacaabay tababaraha xulka qaranka Germany.
Be the first to comment