Casemiro Oo Magacaabay Tababaraha Ay Manchester United Ku Beddelayso Erik Ten Hag


Xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Casemiro ayaa kooxdiisa Manchester United u tilmaamay tababaraha ay tahay inay magacaabaan haddii ay maamulku qaataan go’aan ah in ay shaqada ka caydhiyaan Erik ten Hag oo xaaladdu ku xun tahay.

Tababaraha reer Netherlands ayaa uu cadaadisku kusii kordhayaa, iyadoo kooxdiisuna natiijooyin aan fiicnayn ka keenaysay garoomada tan iyo bilowgii xilli-ciyaareedakn 2023/24.

Old Trafford ayaa niyad-jab laga dareemay Arbacadii markii ay Newcastle United 3-0 ku garaacday Man United ee ay ku reebtay wareegga afraad ee Carabao Cup.

Saxaafadda Ingiriiska ayaa ku warramaysa in Erik ten Hag uu qarka u saaran yahay in la eryo, waxaana go’aanka soo dedejin karaya natiijooyinka kulamada soo socda, iyadoo Red Devils lala xidhiidhinayo tiro tababareyaal ah oo ay ku jiraan Julian Nagelsmann, Graham Potter iyo Robert De Zerbi.

Sidaas oo ay tahay, xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Casemiro oo la hadlay wargeyska The Guardian ayaa la weydiiyey tababaraha uu la jeclaan lahaa in Manchester United loo dhiibo, waxaanu markiiba lasoo booday Zinedine Zidane oo waqtigii uu tababaraha ka ahaa ay Casemiro u wada dabbaal-dageen saddex Champions League oo xidhiidh ahaa.

Casemiro ayaa yidhi: “Xataa illaa maanta marka aan la hadlayo isaga waan farxaa, waxa aan u sheegaa in aanu isagu garanayn qiimaha uu agtayada ka leeyahay iyo gaar ahaan aniga sida uu iigu weyn yahay.

“Maadaama aan garanayo, waxa aan idiin sheegayaa in uu u qalmo [Man United], waa tababare cajiib ah, binu-aadam dabeecad wanaagsan, waxaana layaableh sida uu u sharraxo kubadda cagta. Waxa uu noola dhaqmi jiray si naxariis iyo kalgacayl leh.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*