Arsenal oo la dhibaatoonaysa warka aan fiicnayn ee ah in weeraryahanka Brazil ee Gabriel Jesus iyo khadka dhexe ee reer Ghana ee Thomas Partey ay muddo dheer ka maqnaanayaan garoomada, ayaa waxa haddana ay xaqiijisay in uu ka dhaawacmay ciyaartoy kale oo isaguna muddo jiifi doono.
Arsenal oo xalay ay guul-darro 3-1 ah kasoo gaadhay West Ham oo ka reebtay Carabao Cup, ayaa waxay xaqiijisay dhaawaca xiddiga reer England ee Emile Smith Rowe oo bandhig wanaagsan ka sameeyey ciyaartii Sheffield United ay 5-0 ku xasuuqeen oo uu kusoo bilowday.
23 jirka reer England ayaa la filayay in uu kusoo bilaaban doono Arbacadii, laakiin waxa soo gaadhay dhaawac sababay in laga saaro liiska ciyaartoyda safarka gaaban u gashay dhinaca bari ee magaalada London ee ay ka dhisan tahay West Ham.
Emile Smith Rowe ayaa waxa dhaawaciisa xaqiijiyey Mikel Arteta oo sheegay in uu jilibka ka dhaawacmay, waxaana uu yidhi: “Smith Rowe waxa uu dhaawac ka gaadhay jilibka, toddobaadyo ayaanu maqnaan doonaa.”
Inkasta oo uu Mikel Arteta qiyaasay in muddo toddobaadyo ah uu jiifi doono Emile Smith Rowe, haddana jamaahiirta kooxdaas ayaa ka walaacsan waqtiga laacibkan maqnaanayo sababtoo ah xilli-ciyaareedkii hore ayuu intiisa badan ku maqnaa dhaawac sababay in lagu sameeyo qalliin, iyadoo muddooyinkii dambena inta uu maqan yahay ay ka badnayd inta uu taamka yahay.
Be the first to comment