Thomas Muller ayaa ka adkaysan waayey ciyaartoyda kooxdiisa oo warbaahinta hor yimid si uu ugu qaado weerar afka ah oo aanu waxba ula hadhin, kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee xalay kasoo gaadhay naadiga heerka saddexaad ee Saarbrucken oo ku garaacay 2-1, kana reebtay tartanak German Cup.
Bayern Munich ayay u ahayd habeen madoow oo ay ciyaartoydeedu isku canaanayeen garoonka dhaxdiisa, sidoo kalena ay markii dambe isku adeegsadeen baraha bulshada taas oo farxaddii ay ku naaloonayeen xilli-ciyaareedkan ee ay guulaha waaweyn soo hoynayeen u beddeshay canaan.
Marcel Gaus ayaa kooxda yar ee heerka saddexaad ee Saarbrucken u dhaliyey goolka guusha dhamaadka qaybtii labaad, waxaana sidaas kusoo afjarantay rajadii Bayern Munich ee ahayd in ay xilli-ciyaareedkan ku guuleysan doonaan koobkan oo ay ugu dambaysay sannadkii 2020.
Thomas Muller oo ay wehelinayaan Joshua Kimmich iyo Mathys Tel ayaa hor tegay taageereyaasha kooxda ee cadhaysnaa ee gudaha garoonka ku sugnaa, waxaanay u haadiyeen gacanta iyagoo madaxa hoos u foorarinaya, hase yeeshee Muller oo 34 jir ah ayaa waxyar kaddib hor yimid saxaafadda, halka ciyaartoyda kale ee kooxdu aanay hor-tegin taageereyaasha oo ay iska galeen qolka labbiska, taas oo sii kordhisay cadhada.
“Run ahaantii waanu fahmi karaynaa cadhada taageereyaasha. Ma aha wax la qaadan karayo natiijadani.” Ayuu yidhi Muller, waxaanu kusii daray: “Waxa aan macquulka ahayn waa in saddex ama afar ciyaartoy oo kali ahi ay fahmayaan sida loo ixtiraamo taageereyaasha.
“Halkan ayay noogu yimaaddeen, mana garanayo inta 100 ee kiiloomitir ee ay toddobaadkan soo socdeen annaga daraadayo, markaa waa in aanu fahamno sida taageereyaasha wax loogu celiyo, dabcan sidaasna uma aanaan shaqaynin.”
Thomas Tuchel ayaa dhawr beddel ku sameeyey shaxdii uu Sabtidii kula ciyaaray Darmstadt oo ay 8-0 ku xasuuqeen, waxaana uu fadhiisiyey Harry Kane oo ah ciyaartoygooda ugu goolasha badan, Kingsley Coman iyo Jamal Musiala.
Be the first to comment