Dhaliye Premier League Ah Oo Ay Ku Dagaallamayaan Arsenal & Chelsea, Luis Suarez & Messi Oo Midoobaya, Man United Oo Lagu Qabsaday Xiddig Ay Raadinaysay Iyo Wararka Suuqa


Weeraryahanka xulka qaranka Uruguay ee hadda u dheela Gremio ee Luis Suarez oo 36 jir ayaa waxa uu ku biiri doontaa Inter Miami sannadka 2024, waxaanay midoobi doonaan saaxiibbadiisii hore ee Barcelona ee Lionel Messi, Sergio Busquets iyo Jordi Alba. (El Pais)

Chelsea iyo Arsenal ayaa ku dagaallamaya saxeexa Ivan Toney, kaddib markii ay Brentford xaqiijisay in ay iibinayso 27 jirka reer England haddii ay ku hesho qiime macquul ah. (Express)

Brentford ayaa qiimaha Ivan Toney u go’aamisay in uu noqdo £100 milyan oo Euro, waxaana iibkiisa ay u go’aamisay xagaaga. (Sky Sports)

Manchester United waxa ka go’an in ay hesho goolhayaha xulka qaranka Portugal ee Diogo Costa oo 24 jir ah kaddib markii ay saluug badan ka muujiyeen goolhaye Andre Onana, laakiin FC Porto ayaa waxay dalbanaysaa in Man United ay bixiso lacagta lagu burburin karayo heshiiska Costa oo ah £65 milyan oo Gini. (A Bola)

Real Madrid ayaa u calaamadsatay xiddiga reer Canada ee Alphonso Davies oo 22 jir ah in uu noqdo saxeexooda koowaad ee xagaaga, iyadoo laacibkan uu iska diiday inuu Bayern Munich u saxeexo heshiis cusub. (Relevo)

Real Madrid waxay kula tartami doontaa Liverpool iyo Manchester United saxeexa difaaca dhexe ee reer Portugal ee Congalo Inacio oo 22 jir ah. (AS)

Arsenal waxay u dhaqaaqaysaa saxeexa weeraryahanka reer Slovenia ee Benjamin Sesko oo ah 20 jir hore iskaga diiday Manchester United oo ka doortay inuu ku biiro RB Leipzig xagaagii. (Mirror)

Agaasimaha kubadda cagta Inter Milan ee Piero Ausilio ayaa ku eedeeyey Romelu Lukaku in uu ixitraam-darro u muujiyey kooxdooda, kaddib markii uu wada-hadallo la furay Juventus iyadoo ay socdaan wada-xaajood ay Inter ku doonaysay inay rasmi u beddesho amaahdii uu kula joogay. Lukaku ayaa markii uu burburay heshiiska Inter waxa uu amaah ku tegay Roma. (Mail)

Manchester United waxay xiisaynaysaa difaaca bidix ee kooxda Galatasaray ee Sacha Boey oo ah 23 jir reer France ah oo ay sidoo kale indhaha ku hayaan Arsenal, Brighton iyo Burnley. (Mail)

Tababarihii hore ee Chelsea iyo Brighton ee Graham Potter ayaa laga yaabaa in uu noqdo macallinka xulka qaranka Sweden, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in ay suurtogal tahay in loo magacaabo Manchester United. (Mirror)

Real Madrid ayaa u sheegtay Arsenal iyo Liverpool, in aanay marnaba ogolaanayn in ay iibiso xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Aurelien Tchouameni oo 23 jir ah. (90 min)

Kubbad-sameeyaha Manchester City iyo xulka Belgium ee Kevin De Bruyne oo 32 jir ah, waxa lagu samayn doonaa baadhitaan wweyn oo muruqa uu ka dhaawacan yahay ah, kaas oo la sheegay in uu u muuqdo inuu kasoo raynayay toddobaadyadii u dambeeyey. (VTM)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*