SHANTII Ciyaartoy Ee Manchester United Ee Xalay Garoonka Dhax Seexday Xilli Red Devils Sii Dumayso


Halyeyga Manchester United ee Gary Neville ayaa magacaabay shan xiddig oo Red Devils ka tirsan oo uu sheegay in ay garoonka dhax seexdeen ciyaartii Newcastle United ay sida xun ugu bahdishay Old Trafford ee ay 3-0 kaga reebtay tartanka Carabao Cup.

Goolkii labaad ee uu dhaliyey Lewis Hall ayaa uu Gary Neville u adkaysan waayey qaybtii hore, waxaana uu jarjaray shan ciyaartoy oo uu calaamado saaray oo uu is-weydiiyey waxa ay garoonka ka dhax-qabanayeen.

Robert Jones oo ahaa garsooraha dhexe ayaa joojiyey ciyaarta oo qalad dhigay, balse waxa la arkayay shan ciyaartoy oo Manchester United ah oo u cabanaya oo aan feejignaan samaynin, taas oo sahashay goolka labaad ee Newcastle United.

Ciyaartoyda Newcastle markii loo dhigay qaladka ma aanay sugin inta ciyaartoyda Manchester United dhamaysanayaan cabashadooda, waxaanay markiiba bilowdeen kubadda iyadoo Miguel Almiron uu kubadda u tuuray Joe Willock oo isaguna soo qaaday, waxaase madax iskaga saaray Harry Maguire ka hor intii aanu kubadda oo aan ka fogaanin darbad fooli ah ku qabanin Hall oo ay Newcastle kasoo iibsatay Chelsea, sidaasna waxa uu ugu hubsaday shabaqa iyadoo aanu Andre Onana wax fursad uu ku badbaadiyo ah helin.

Gary Neville oo ciyaarta ka falan-qaynayay istuudiyaha Sky Sports, ayaa layaabay ciyaartoyda Machester United, waxaana uu soo qaatay afar ka mid ah isaga oo yidhi: “Bal eeg way hurdaane, waxay ka cabanayaan garsooraha, hadda kubaddiina way socotaa oo Newcastle way guuleysanaysaa.”

Shanta ciyaartoy ee uu Gary Neville ku eedeeyey in ay hurdaan ayaa waxa ay kala ahaayeen Mason Mount, Casemiro, Anthony Martial iyo hannibal Mejbri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*