Mikel Arteta Oo Loo Sheegay Baahida Kooxdiisa Ee Victor Osimhem Iyo Sida Uu Ku Helayo


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa loo sheegay in ay dedaal badan u galaan sidii ay bisha January ula saxeexan lahaayeen weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem oo ay isku dhaceen kooxdiisa Napoli, isla markaana ka fiirsanaya in uu dacwad maxkamadeed ka gudbiyo.

Arsenal oo lala xidhiidhinayo xiddiga England iyo Brentford ee ganaaxa laga saaray ciyaaraha ee Ivan Toney oo bisha January loo ogolaan doono inuu kusoo laabto garoomada, ayaa waxa loo sheegay, in haddii ay doonayaan in ay ku guuleystaan horyaalka Premier League, in ay u dhaqaaqaan Victor Osimhem oo ay qasan tahay xaaladdiisa Napoli, kaddib markii ay kooxdiisu baahisay muuqaal lagu maadsanayo.

Osimhem oo 107 kulan u saftay Napoli, una dhaliyey 62 gool iyo 15 uu caawiye ka noqday, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ay ku jiraan Real Madrid, Chelsea iyo naadiyada horyaalka Sucuudiga.

Xiddigii hore ee Arsenal ee Kevin Campbell ayaa farriin u diray kooxdiisa, waxaanu yidhi: “Osimhem waxa uu noqon karaa saxeex rikoodh jabis ah, laakiin waa ciyaartoy wax walba qaban karaya.

“Haddii Arsenal ay doonayso inay noqoto koox xooggan oo qaab ciyaareedkeedu fiican yahay, waa in ay doonato ciyaartoy Osimhem oo kale ah oo ay bixiyaan lacagta laga doonayo.

“Dabcan Arsenal waxay hadda helaysaa lacagta Champions League, wayna la saxeexan karaysaa Osimhem.”

Si kastaba ha ahaatee, Kevin Campbell waxa uu rumaysan yahay in ay adag tahay in bisha January ay Arsenal la saxeexato Osimhem, waxaana uu usoo jeediyey naadigiisa in xataa haddii ay waayaan sannadka cusub ay dhamaadka xilli-ciyaareedka isku dayaan in ay gacanta ku dhigaan xiddiga reer Nigeria.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*