Real Madrid Oo Heshiis Cusub Ku Dabartay Camavinga Iyo Muddada Uu Sii Joogayo Santiago Bernabeu


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxexaysa xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Eduardo Camavinga, si ay meesha uga saarto hunguriga ku jira kooxo waaweyn oo reer Yurub ah oo danaynaya saxeexa laacibkan.

Camavinga oo sannadkii 2021 ay Real Madrid kasoo iibsatay Rennes ayaa labadii sannadood ee uu joogay Santiago Bernabeu waxa uu kasbaday in uu ka mid noqdo ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda, isaga oo siddeeddii kulan ee xilli-ciyaareedkan ay kooxdiisu dheeshay kusoo bilowday lix ka mid ah.

20 jirkan ayaa waqtigii ay Real Madrid lasoo wareegtay waxay ka saxeexday heshiis lix sannadood ahaa oo soconayay illaa 2027, hase yeeshee heshiiska cusub ee hadda ayaa ah afar sannadood oo kaliya isbeddel ku samaynaya qandaraaskiisii hore, kamana dhigna in la kordhinayo waqtigiisa.

Wargeyska Relevo ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay, in heshiiska cusub uu nuxurkiisu yahay in sare loo qaado mushaharka uu laacibkani ka qaato kooxda, si loogu muujiyo inuu yahay ciyaartoy muhiim ah.

Waqtiga uu heshiiskiisa Real Madrid dhamaanayo ayaa waxa kaliya oo ay da’diisu noqonaysaa 24 jir, waxaanay Los Blancos diiddan tahay in uu ka tago iyaga oo u arkaya in uu yahay beddelka Luka Modrcic iyo Toni Kroos, iyaga oo iskaashan doona Jude Bellingham, Aurelien Tchouameni iyo Fede Valverde.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*