DAAWO: Fadeexaddii Ka Dhacday Isku-aadka Carabao Cup Iyo Kooxaha Sida Badheedhka Ah La Iskula Doontay


Fadeexad ayaa ka dhacday isku-aadkii xalay ee wareegga afraad ee tartanka Carabao Cup, waxaana la sheegay in si badheedh ah la iskula doontay labadii naadi ee finalka iskugu yimid xilli-ciyaareedkii hore ee Manchester United iyo Newcastle United.

Weeraryahankii hore ee Sunderland ee Don Goodman ayaa la sheegay in uu ka shaqeeyey sidii ay Manchester United iyo Newcastle iskugu dhici lahaayeen, kaddib markii ay labada kooxood kusoo reebeen wareeggii saddexaad naadiyada Crystal Palace iyo Manchester City.

Don Goodman ayaa lagu eedeeyey in uu gacanta geliyey dheriga ay ku jireen kubbadaha ay isku-aadka ku gelayaan kooxuhu, kaddibna uu wareejiyey isaga oo isku dayaya in uu gacantiisa ama taabashada ku garto No.16, si uu ugu beego Manchester United.

Kaddib markii ay soo dhamaadeen ciyaarihii wareegga saddexaad ee xalay, falanqeeyeyaasha ciyaaraha ee Sky Sports oo ay hormood u ahayd Emma Saunders ayaa ku casuuntay inay isku-aadka sameeyaan tababarihii hore ee Celtic ee Neil Lennon iyo weeraryahankii hore ee Bradford, West Brom iyo Sunderland ee Don Goodman.

Ninka eedaynta loo jeedinayo oo ah Goodman ayaa waxa uu wareejiyey kubbadaha isaga oo isticmaalaya gacantiisa bidix, kaddibna waxa uu soo saaray No.16 oo uu si fiican u fiiriyey, ka hor intii aan la furin, iyadoo la ogaa in lambarkaas ay lahayd Newcastle United.

Halkan ka daawo dhacdada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*