Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Khamiis Ah Ay Qoreen Wargyeysada Waaweyn Ee Yurub


Tababaraha Brighton ee Roberto De Zerbi iyo macallinka Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso ayaa u sharraxay jagada tababarenimada Real Madrid marka uu ka tago Carlo Ancelotti dhamaadka xilli ciyaareedka oo uu ku egyahay qandaraaskiisu. (Cadena Ser)

Manchester United ayaa xogo laga helayo gudaheedu waxay sheegaaan in ay socdaan wada-hadallo u dhexeeya Erik ten Hag iyo Jadon Sancho oo dib loogu soo celinayo xidhiidhkooda go’ay. (MEN)

Kooxaha horyaalka horyaalka Sucuudiga ayaa hoggaanka u qabtay tartanka loogu jiro weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem, inkasta oo ay Real Madrid iyo Chelsea doonayaan in ay la saxeexdaan haddii uu go’aansado inuu ka tago Napoli bisha January. (Daily Mail)

Manchester United waxay qorshaynaysaa in ay wada-hadallo la furto xiddiga reer Tunisia ee Hannibal Mejbri oo 20 jir ah, si uu heshiis cusub u saxeexo. Kooxda reer Spain ee Sevilla ayaa uga gacan haadinaysa. (Fabrizio Romano)

Chelsea waxay suuqa u geli doontaa difaac bidix oo cusub kaddib markii uu xalay ka dhaawacmay Ben Chilwell. Waxay Blues indhaha ku haysaa Federico Dimarco oo Inter Milan ah iyo Theo Hernandez oo AC Milan ah. Labadan ciyaartoyba waxay da’doodu tahay 25 jirro. (Calciomercato)

Roma waxay ka fiirsanaysaa in bisha January ay u dhaqaaqdo saxeexa difaaca Tottenham ee reer England ee Eric Dier oo 29 jir ah. (Calciomercato)

Tababaraha Newcastle United ee Eddie Howe waxa uu doonayaa in bisha January loo keeno difaac dhexe oo uu safkiisa ku xoojiyo. (Football Insider)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*