Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ka fiirsanaya waxa ay ka yeelayso xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara oo ay dhaawacyo ragaadiyeen, isla markaana u jiifa dhaawac soo gaadhay bishii April ee horraantii sannadkan oo aan si buuxda loo shaacin waqtiga uu kasoo noqonayo.
Jurgen Klopp ayaa mar walba fagaareyaasha ka difaaca Thiago Alcantara tan iyo markii uu xiddigani kaga soo biiray Reds kooxda reer Germany ee Bayern Munich sannadkii 2020.
Dhaawacyada tirada badan ee Thiago Alcantara soo gaadhayay sannadihii uu joogay Anfield ayaa walaac ku abuuraya kooxdiisa, isaga oo xilli-ciyaareedkii hore oo ay kooxdiisu dhibaatoonaysay kaliya kusoo bilowday 14 kulan oo horyaalka ah, halka xilli-ciyaareedkanna uu wali maqane ka yahay.
Xagaagii ayay doonayeen kooxo dhawr ah oo ka dhisan Turkey iyo Saudi Arabia, balse laacibkan reer Brazil ee doortay inuu u ciyaaro xulka Spain ayaa ku adkaystay in uu sii joogayo Anfield.
32 jirkan ayaa la sheegay in kooxdiisa Liverpool ay hadda luminayso kalsoonidii ay ku qabtay oo ay ka fiirsanayso inay iska iibiso marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, haddii kalena ay sugaan illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka oo uu si bilaash ah kaga tegi karayo.
Be the first to comment