DEG-DEG: Barcelona Oo Lagu Ganaaxay Lacago Ay Siisay Garsooreyaal – Miyaa Laga Saarayaa Champions League & LaLiga?


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu riday ganaax ka dhashay lacago laaluush ah oo ay siisay madaxweyne ku-xigeenka xidhiidhka garsooreyaasha kubadda cagta Spain, taas oo sababi doonta ciqaabo adag oo la marsiiyo kooxdan, inkasta oo aan illaa hadda la cadaynin in laga saarayo tartanka Champions League.

Xaakimka gacanta ku haya kiiska fadeexadda ah ee Barcelona oo lagu magacaabo Joaquín Aguirre, ayaa sheegay in ay dembi iyo gef tahay in Barca ay lacago siiso Jose Maria Enriquez Negreira oo ahaa ku-xigeenka xidhiidhka garsooreyaasha, si ay uga helaan saayiraad iyo natiijooyin fiican oo gudaha garoomada ah.

Booliska waddanka Spain ayaa iyauna gudaha u galay xafiisyada xidhiidhka kubadda cagta Spain oo ay baadhitaanno ku sameeyeen, iyaga oo daba socda kiiskan.

Waqtiga ay Barcelona falkan samaysay oo ahayd xilligii ay madaxweyneyaasha ka ahaayeen Josep Maria Batomeu iyo Sandro Rossel, ayaa waxa Joaquín Aguirre uu amray in maxamadda la horkeeno labadan madaxweyne ee hore, Jose Maria Enrique Negreira iyo wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Javier Enriquez Romero.

Joaquín Aguirre ayaa lacagta la siiyey Negreiro waxa uu ku sifeeyey laaluush sida uu dhigayo sharciga waddanka Spain, waxaanay saxaafadda waddanka Spain sheegtay in aanu xidhiidhka kubadda cagta Spain wax shaqo ah ku lahayn arrintan.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa hore u sheegay in Barcelona ay ka saarayaan tartanka Champions League haddii ay caddaato in ay bixisay lacago laaluush ah si ay natiijooyin uga hesho ciyaaraha oo ay garsooreyaashu u caawiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda ayaa laga sugayaa in ay xukunkeeda si rasmi ah ugu dhawaaqdo, isla markaana ay maxkamadda kasoo muuqdaan masuuliyiinta loo haysto falkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*