Guushii Arsenal Ee Carabao Cup Oo Lagu Tilmaamay Nasiib Iyo Eedayn Loo Jeediyey Mikel Arteta


Tababaraha kooxda kubadda cagta Brentford ee Thomas Frank ayaa ku dooday in ay nasiib ahayd guushii Arsenal ay xalay ka gaadhay kooxdiisa ee ay kaga reebtay tartanka Carabao Cup ee ay Gunners ugu gudubtay wareegga afraad.

Arseanl ayaa iska xaadiray wareegga 16ka ee tartankan kaddib gool madi ahaa oo uu u dhaliyey Reiss Nelson, iyadoo Mikel Arteta uu fursad siiyey dhawr ciyaartoy oo ay u ahayd kulankii koowaad ee ay kusoo bilowdaan sida Jakub Kiwior, Emile Smith Rowe iyo Reiss Nelson.

Waxa kale oo safka Arsenal ku cusbaa da’yarka Charles Sagoe iyadoo Aaron Ramsdale uu dib u helay booska laga tuuray ee goolhayaha kooxda Arsenal oo labadii kulan ee ugu dambeeyey ee horyaalka kaydka loo dhigay David Raya.

Goolhaye Ramsdale ayaa kubbado badan badbaadiyey qaybtii dambe ee ciyaarta oo ay Brentford awoodda sare lahayd, waana sababta uu Thomas Frank u aaminsan yahay in Gunners ay nasiib kusoo baxday.

Thomas Frank oo la hadlayay saxaafadda ayaa yidhi: “Qaybtii hore waxa aanu u ciyaarnay si fiican, laakiin qaybta dambe waxa aanu ahayn koox cajiib ah. Waxay ila tahay in Arsenal uu nasiibku aawiyey marka la eego fursadaha aanu khasaarinay qaybtii dambe.

“Waxa aanu saarnay cadaadis badan, waxa aanu abuurnay marxalado aanu goolal ku dhalin karaynay, kubaddana annaga ayaa inta badan ka haysanay. Laakiin dhamaan fursadihii aanu abuurnay waxa na diiday shabaqa, waananu kusoo laaban doonaa.”

Thomas Frank ayaa sidoo kale ku dooday in Arsenal ay ahayd kooxda liidata ee ciyaarta ee haddana nasiibku dhinacooda u xagliyey, waxaana uu duray dabbaal-degga iyo farxadda uu muujiyey Arteta kaddib ciyaarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*