Jude Bellingham iyo Christopher Nkunku Oo Ka Adkaysan Waayey Gantaalkii Uu Szoboszlai Xalay U Dhaliyey Liverpool


Xiddigaha kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ee Jude Bellingham iyo Christopher Nkunku ayaa ka falceliyey goolkii gantaalka ahaa ee uu xalay Liverpool u dhaliyey xiddiga reer Hungary ee Dominik Szoboslai oo beddel kusoo galay, kana caawiyey Reds inay guul 3-1 ah ka gaadho Leicester City.

Liverpool ayaa xaqiijisatay guul soo laabasho iyadoo qaybtii hore lagala hormaray hal gool, waxaase ciyaarta barbarro ka dhigay Cody Gakpo, ka hor intii aanu Dominik Szoboszlai oo beddel kusoo galay u dhalin gool qurux badan oo ahaa laad awood badan oo uu bannaanka ka toogtay, iyadoo midka saddexaadna uu raaciyey Diogo Jota.

Goolka Dominik Szoboszlai ayaa si weyn baraha bulshada loogaga falcelinayay illaa xalay, waxaana xataa ka adkaysan waayey oo qaybtooda ku darsaday xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham oo bandhig heersare ah ka samaynaya horyaalka Spain ee LaLiga iyo Christopher Nkunku oo Chelsea ah ay kasoo qaadatay Bundesliga.

Saddexdan ciyaartoyba waxay ka wada dheeleen horyaalka Germany ee Bundesliga, waxaana falcelinta ku horreeyey Jude Bellingham oo qoraal kusoo dul-qoray sawir uu Szoboszlai soo dhigay bartiisa Instagram oo ahaa dabbaal-degga goolkii uu dhaliyey.

Beellingham ayaa yidhi: ‘Boom’, halka Nkunku uu isaguna kusoo qoray Szoboo iyo laba sawir oo emoji ah oo gantaalo la rida ah.

https://www.instagram.com/p/CxthSG5tqlL/?utm_source=ig_embed&ig_rid=0dfa05e9-7125-4a26-8ee9-04cf32260fb9

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*