Xiddiga reer Morocco ee Sofyan Amrabat ayaa sharraxaad ka bixiyey sababtii uu ugu biiray Manchester United ee uu iskaga diiday dalabyo ay kasoo gudbisay Liverpool oo uu tababare Jurgen Klopp uga gacan-haadinayey xagaagii.
Sofyan Amrabat ayaa maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda waxa uu heshiis amaah ah ugu wareegay Manchester United oo bixin doonta 10 milyan oo Euro oo ah lacagta amaahda, waxaana qandaraaska ku jira qodob dhigaya in Red Devils ay €25 milyan oo Euro si rasmi ah ugu iibsan karto xagaaga dambe.
Toddobaadkan ayuu kulankiisii koowaad u saftay Amrabat kooxdiisa cusub ee Manchester United, isaga oo kusoo bilowday kulankii Crystal Palace ay Salaasadii 3-0 ku karbaasheen.
“Waxay igu ahayd bilo aad iigu dheeraa, laakiin ugu dambayntii maalintii ugu dambaysay suuqa ayaa ay wax walba si fiican ku dhamaadeen oo aan heshiiska saxeexay, muhiim ayaanay ii ahayd in aan halkan imaaddo.”
Mar uu sharraxayay sababta uu ku diiday kooxo ay ku jirto Liverpool, waxa uu ku jawaabay: “Aniga riyadaydu waxay ahayd Manchester United oo aan illaa carruurnimadaydii doonayay in aan mar uun u ciyaaro, wayna ii rumowday riyadaasi hadda.”
Be the first to comment