Victor Osimhem Iyo Napoli Oo Xidhiidhkoodu Dhulka Galay & Falkii Uu Laacibkani Sameeyey Xalay


Victor Osimhen ayaa gool qurux badan u dhaliyey kooxdiisa Napoli kulankii Arbacadii ay guusha kasoo gaadheen Udinese, laakiin waxa uu iska diiday inuu dabbaal-dego amaba uu farxad muujiyo kaddib markii ay kooxdu muuqaal bahdilaad ah ka samaysay oo ay ku baahisay baraheeda bulshada.

Xiddiga reer Nigeria ayaa soo afjaray afar ciyaarood oo uu goolal la’aan ahaa, waxaana horraantii toddobaadkan ay kooxdiisu muuqaal lagaga maadnayo oo bahdilaad ah ku baahisay barteeda TikTok kaddib markii uu khasaariyey rikoodhe.

24 jirkan ayaa markii uu goolka dhaliyey waxa uu iskaga socday sidii qof aan waxba dhalin oo kale, mana uu muujinin wax farxad ah, halka ciyaartoyda kooxdiisa qaarkoodna aanay dhinaciisaba usoo kicin oo ay dib iskaga noqdeen.

Waxa la sheegay in Victor Osimhen ay xataa isku xumaadeen ciyaartoyda Napoli oo uu salaanta la dhaafay toddobaadkan iyaga oo meel fadhiya.

Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka laacibkan ee Napoli ayaa mugdi weyn la gelinayaa waxaanay wararku sheegayaan in uu doonayo inuu iskaga tago.

Wakiilka laacibkan ayaa u sheegay saxaafadda in ay ka fiirsanayaan in ay dacwad rasmi ah oo ka dhan ah Napoli u gudbiyaan maxkamadda, iyadoo dhinaca kalena uu Victor Osimhen baraha bulshada ka saaray dhamaan sawirradii uu ku labbisnaa garanka ama dharka kooxdiisa Napoli.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*