Difaaca kooxda kubadda cagta Manchester City ee Josko Gvardiol ayaa magacaabay laba ciyaartoy oo layaab ku riday oo Etihad Stadium uu kula kulmay, inkasta oo xagaagii uu kaga soo biiray RB Leipzig oo ay City kaga soo iibsatay £77.6 milyan oo Gini.
Gvardiol ayaa noqday ciyaartoygii labaad ee difaac ah ee ugu qaalisanaa taariikhda markii uu Manchester City ka degay, waxaana ay halkaas ku midoobeen laacibka ay isku waddanka yihiin ee Mateo Kovacic oo isagana ay City kasoo iibsatay Chelsea.
21 jirkan difaaca dhexe ah ayaa bandhig fiican oo uu ka sameeyey Koobkii Adduunka waxa uu kusoo jiitay kooxo badan oo reer Yurub ah, waxaana nasiib u yeelatay Manchester City oo kasoo bixisay lacagtii ugu badnayd.
Waraysi uu Gvardiol bixiyey ayaa lagu weydiiyey ayaa lagu weydiiyey ciyaartoyda kooxdiisa cusub, waxaana uu sheegay in ay ku jiraan laba ciyaartoy oo ka yaabiyey, isaga oo yidhi: “Waxa jira laba ciyaartoy oo iga yaabiyey, waa Eddie iyo Rodri.
“Haddii aad ka hadasho Eddie, waa goolhaye fiican, laakiin waxa uu cajiib ku yahay kubadda. Rodri isaguna waxa uu igaga yaabiyey sida uu kubadda u maamulo (kaantaroolo), waa ciyaartoy heersare ah.”
Be the first to comment