Ciyaartoyda kubadda cagta ayaa lagu qalqaalinayaa in ay qaataan tallaabo ah in ay iska diidaan ka-qaybgalka Koobka Adduunka 2034 ee lagu qaban doono waddanka Sucuudiga oo shalay si rasmi ah loogu dhawaaqay in uu yahay dalka loo doortay.
FIFA ayaa waxay shaacisay, in Sucuudigu uu yahay dalka kaliya ee soo dalbaday in uu martigeliyo Koobka Adduunka 2034, waxaana iskaga baxay tartanka Australia oo kula loollamaysay, taas oo keentay in Sucuudiga loo doorto martigelinta iyagoon olole xooggan ka gelin.
Arrintan ayaa ka dhigan in Koobka Adduunku uu kusoo laaban doono Bariga Dhexe 12 sannadood kaddib markii ay Qatar martigelisay ee sida quruxda badan ay qaban-qaabisay sannadkii 2022, laakiin waxa uu culays ka jiraa in mar kale tartankan la ciyaari doono xilli jiilaal ah.
Horyaallada Yurub ayaa la joojin doonaa oo ay ciyaartoydu xulalkooda ula safri doonaan waddanka Sucuudiga, laakiin waxa jira olole ay hadda bilaabeen ururka ciyaartoyda kubadda cagta, kaas oo lagu dhiirigelinayo ciyaartoyda in ay iska diidaan in ay ka qayb-galaan Koobka Adduunka ee Sucuudiga.
Mahta Molango oo ah agaasimaha ururka ciyaartoyda kubadda cagta, ayaa kasoo horjeedsaday in jadwalka ciyaaraha Koobka Adduunka 2034 uu la mid noqdo midkii sannadkii 2022 ee bilaha November iyo December la ciyaaray, waxaana uu soo jeediyey in haddii ay sidaasi dhacdo ay ciyaartoydu qaaddacaan ka-qaybgalka tartankan.
Si kastaba ha ahaatee, cimillada kulul ee ka jirta bariga dhexe xilliyada xagaaga ayaa ku qasbi doonta FIFA in koobka Adduunka la ciyaaro waqtigii la dheelay midkii lagu qabtay Qatar oo kale.
Be the first to comment