Mushaharka Tababareyaasha Premier League Iyo Sida Ay U Kala Sarreeyaan


Iyadoo ay soo baxayaan wararka sheegaya in Manchester United ay ka fiirsanayso in ay shaqada ka erido Erik ten Hag, ayaa waxa lasoo bandhigay mushaharka tababareyaasha Premier League ay qaataan, iyadoo heshiisyadoodana ay ku jiraan qodobbo dhigaya in magdhow la siiyo haddii shaqada laga eryo.

Manchester United ayaa ku qasbanaan doonta inay bixiso mushaharka sannad iyo badhka ka hadhay qandaraaska Erik ten Hag haddii ay qaadato go’aanka ah in ay ka takhalusto, taas oo keenaysa in ay bixiso lacag ka badan £15 milyan oo Gini.

Ten Hag ayaa ah tababaraha shanaad ee ugu mushaharka badan Premier League, waxaana ka horreeya Mikel Arteta oo afraad ah, Mauricio Pochettino oo saddexaad ku jira iyo labada aan la gaadhi karin ee Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola.

Tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola ayaa ah macallinka ugu mushaharka badan, waxaana uu sannadkii qaataa £20 milyan oo Gini, taas oo ka dhigan in uu laba-jibbaar iyo dheeraad ka mushahar badan yahay Erik ten Hag.

Jurgen Klopp oo labaad ku jira waxa uu sannadkii ka qaataa Liverpool £15 milyan oo Gini, halka Pochettino oo xagaagii ay Chelsea magacowday uu mushaharkiisu noqonayo £10.5 milyan oo Gini.

Halkan kaga bogo mushaharka 20ka kooxood ee Premier League

20. Gary O’Neil (Wolverhampton Wanderers) – Lama hubo

19. Andoni Iraola (Bournemouth) – £1 million

18. Paul Heckingbottom (Sheffield United) – £1 million

17. Roberto De Zerbi (Brighton & Hove Albion) – £1.5 million

16. Steve Cooper (Nottingham Forest) – £1.5 million

15. Vincent Kompany (Burnley) – £2 million

14. Rob Edwards (Luton Town) – £2 million

13. Marco Silva (Fulham) – £4 million

12. Unai Emery (Aston Villa) – £4 million

11. Eddie Howe (Newcastle United) – £4 million

10. David Moyes (West Ham United) – £4 million

9. Roy Hodgson (Crystal Palace) – £4.5 million

8. Thomas Frank (Brentford) – £4.5 million

7. Ange Postecoglou (Tottenham Hotspur) – £5 million

6. Sean Dyche (Everton) – £5 million

5. Erik ten Hag (Manchester United) – £9 million

4. Mikel Arteta (Arsenal) – £9.5 million

3. Mauricio Pochettino (Chelsea) – £10.4 million

2. Jürgen Klopp (Liverpool) – £15 million

1. Pep Guardiola (Manchester City) – £20 million

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*