Iska Illow Man City, Arsenal Iyo Liverpool – Arsene Wenger Oo Magacaabay Koox Kale Oo Ku Guuleysanaysa Horyaalka Premier League


Tababarihii hore ee kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa magacaabay koox aan ahayn Manchester City, Liverpool, Arsenal iyo Chelsea oo uu sheegay inay awood u leedahay in ay ku guuleysato horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu xusay saddex ciyaartoy oo dhalan-geddi ku sameeyey kooxda.

Horyaalka Premier League oo lixdii sannadood ee ugu dambeeyey ay shan ka mid ah ku guuleysatay Manchester City, halka ay soo kala-dhax-gashay Liverpool oo hal mar iyaduna qaadday ayaa waxa doorkan hoggaanka u haysa Tottenham.

Ange Postecoglou ayaa ay kooxdiisu guuleysatay siddeed ka mid ah tobankii ciyaarood ee ay dheeshay oo ay labada kalena barbarro gashay, illaa haddana wax guul darro ah lama aanay kulmin, taas oo keentay in ay hoggaanka kali ku ahaato oo ay 28 dhibcood haysato.

Spurs oo la filayay in ay u jabto Harry Kane oo xagaagii ka tegay, una wareegay Bayern Munich ayaa ay noqota awoodda xilli-ciyaareedkan ee Premier League, waxaana Arsene Wenger oo la hadlay saxaafaddu uu sheegay in sannadkan ay Tottenham tahay tartameyaal dhab ah iyo koox ku guuleysan karta horyaalka.

“Waxa aan dareemayaa oo aan aaminsanahay in Tottenham ay noqon doonto koox ku tartamaysa horyaalka Premeir League. Waxay keeneen James Massion oo ah ciyaartoy wanaagsan, waa khad dhexe oo si qabow ku bilowda, haddana heerka ugu sarreeya taga oo leh hal-abuur iyo farsamo.” Ayuu yidhi Wenger.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxay keeneen Micky van de Ven oo ah ciyaartoy heersare ah. Waxa uu ka buuxiyey boos ay ka liiteen xilli-ciyaareedkii hore, sababtoo ah Hugo Lloris ma aanu fiicnayn xilli-ciyaareedkii hore.

“Dhaqdhaqaaqa Son Heung-Min ee khadka dhexe ayaa isaguna aad u wanaagsan. Markaa, way ku guuleysan karayaan horyaalka.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*