Ciyaartoyda Manchester United ayaa bilaabay inay qolka labbiska dhaxdiisa ku xantaan tababare Erik ten Hag, iyaga oo su’aal gelinaya taatikadiisa iyo xeeladaha ciyaareed ee uu doonayo in uu naadiga ku hoggaamiyo, kaddib guul-darradii cuslayd ee kasoo gaadhay Manchester City oo Axaddii ku garaacday 3-0.
Manchester United ayaa laba gool wax ka dhaliyey Erling Haaland, mid kalena waxa ugu daray Phil Foden, iyadoo taageereyaasha kooxdu ay waqti horeba bilaabeen inay iskaga baxaan garoonkooda Old Trafford markii ay arkeen in ay rajo la’aan yihiin.
Ten Hag ayaa waxa kusii kordhaya cadaadiska, waxaana lagu eedaynayaa in aanu waxba kusoo kordhinin naadiga marka natiijooyinkiisa la barbardhigo macallinkii ka horreeyey ee Ole Gunnar Solskjaer.
Marka laga yimaaddo xulashada, arrinta layaad ayaa waxay tahay falsafadda uu kala hor-tegayo kooxaha kale ama xeeladda uu doonayo in kooxdiisu ay guul ku gaadho oo marka horeba ay ciyaartoydu aad u saluugsan yihiin, iyagoo rumaysan in ay tahay mid aan ku habboonayn kooxdooda waqtigan.
Be the first to comment