Manchester United Oo Ka Fiirsanaysa Inay Shaqada Ka Caydhiso Erik Ten Hag Iyo Lacagta Magdhowga Ah Ee Laga Doonayo


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay in ay ka fiirsanayso in ay shaqada ka erido tababare Erik ten Hag kaddib guul-darrooyin shan ahaa oo uu kasoo hooyey toban ciyaarood oo Premier League ah oo ay kooxdu ciyaartay, iyo laba guul-darro oo uu ka keenay saddex ciyaarood oo Champiosn League ah.

Red Devils ayaa la sheegay in uu gudaheeda ka jiro buuq sahayan kara tababare Erik ten Hag, iyadoo guul-darradii ugu dambaysay ee ciyaartii Manchester City ay sababtay in ciyaartoyda qaarkood ay tababaraha eedaymo u jeediyaan.

Wargeyska The Sun ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska ayaa sheegay in ciyaartoyda qaarkood ay dhalliilo ugu jeediyeen Erik ten Hag qolka labbiska dhaxdiisa oo ay u sheegeen in taatiko qaldan oo aan looga baahnayn horyaalka Premier League uu ku dheelayo.

Maamulka Manchester United ayaa la rumaysan yahay in ay ku qasbanaan doonaan in ay eryaan Ten Hag haddii toddobaadyada soo socda ay natiijooyinku isbeddeli waayaan, waxaana xaaladda xumayn karta Newcastle United oo Arbacada ay wareegga 16ka EFL Cup/Carabao Cup ku ballansan yihiin iyo haddii ay kasoo gudbi waayaan wareegga group-yada Champions League.

Kaddib markii ay wararkani soo baxeen, wargeyska Mirror ayaa waxa uu isaguna dib ugu laabtay lacagta magdhowga ah ee uu Erik ten Hag heli doono haddii ay erido Manchester United, waxaana usoo baxday in ay noqon doonto £9 milyan oo Gini oo ah mushaharkiisa inta ka hadhay qandaraaskiisa oo soconaya illaa xagaaga 2025.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*