Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag waxa uu kaydka dhigay Raphael Varane iyo Sergio Reguiolon kulanka adag ee garoonka Old Trafford ay kusoo dhoweeyeen Manchester City, waxaana go’aanka uu qaatay Ten Hag uu ku sheegay mid xeeladeed.
Ten Hag oo la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay, in xeelad darteed uu u fadhiisiyey Varane iyo Reguiolon oo uu ka doorday Jonny Evans, Harry Maguire iyo Victor Lindelof.
Tababare Ten Hag oo saxaafadda la hadlayey ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin ayaa la weydiiyey sababta uu u fadhiisiyey Varane iyo Reguilon, waxaanu ku jawaabay: “Go’aankaygu waa mid xeeladeed, doodna ma aha in ay noqoto xulashadaydu, kaliya waa mid xeeladeed.”
Christian Eriksen ayaa sidoo kale kusoo bilowday khadka dhexe iyadoo uu dhaawac ku maqan yahay Casemiro, waxaana xiddiga reer Denmark ay iska garab ciyaarayaan Scott McTominay oo si joogto ah ugu soo bilaabanayay kulamadii ugu dambeeyey, sidoo kalena uu booskiisa xajistay Sofyan Amrabat, taas oo keentay in weerarka la yareeyo oo kaliya ay noqdaan Marcus Rashford iyo Rasmus Hojlund, waxaana kaydka ku jira Antony.
Be the first to comment