Diogo Jota Oo Si Qiiro Leh Usoo Bandhigay Murugada Haysata Luis Diaz


Xiddiga reer Portugal ee Digo Jota ayaa garab istaagay laacibka garabka weerarka uga ciyaara Liverpool iyo xulka Colombia ee Luis Diaz oo hooyadii iyo aabbihii ay afduubteen budhcad dalbatay madax-furasho, isla markaana xalay illaa maanta xaalad adag gelisay laacibkaas iyo qoyskooda.

Diaz oo ay da’diisu tahay 26 jir ayaa laga reebay liiska ciyaartoyda Liverpool, maadaama uu ku jiro xaalad murugo leh oo waalidkii waqti dambe oo maanta ah laga soo badbaadiyey budhcad hubaysan oo afduubatay.

Budhcadda ayaa waxa ay u dhacday guriga ay deggen yihiin Cilenis Marulanda iyo Luis Manuel Diaz oo ah hooyada iyo aabbaha dhalay laacibkan, waxaana hoygooda oo ku yaalla magaalada Brrancas ka taagaa illaa xalay xaalado qasan.

Booliska ayaa gellinkii hore soo badbaadiyey hooyada dhashay ciyaartoygan, kaddibna waxa ay waqti duhurnimadii ahayd ku guuleysteen in ay isagana soo badbaadiyeen Luis Manuel Diaz, inkasta oo xabbadihii ay is-weydaarsanayeen budhcadda iyo boolksa ay ku dhinteen laba qof oo ka tirsanayd dablayda.

Diogo Jota oo ay saaxiibbo dhow yihiin Luis Diaz ayaa markii uu dhaliyey goolka koowaad ee Liverpool ee ciyaarta Nottingham Forest waxa uu lasoo baxay garanka Luis Diaz si uu ugu muujiyo inuu garab taagan yahay laacibkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*