Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa soo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, kaddib guul raaxo leh oo ay ka gaadheen Nottingham Forest oo ay 3-0 ku burburiyeen kulan ka dhacay garoonka Anfield.
Ciyaartan oo ku bilaabatay jawi murugo oo ay jamaahiirta Liverpool iyo ciyaartoydeeduba ku jireen maadaama ay xanuunka la qaybsanayeen Luis Diaz oo aabbihii iyo hooyadii lagu afduubtay waddanka Colombia.
Saddex gool oo ay kala dhaliyeen saddexda weeraryahan ee Darwin Nunez, Diogo Jota iyo Mohamed Salah ayaa Liverpool siiyey guushan, inkasta oo nasiib-darro ay ku dhacday Cody Gakpo oo laga diiday rikoodhe qaybtii dambe.
Liverpool oo si deggen ku bilaabatay ciyaarta ayaa weerarro is-daba joog ah ku bilaabatay ciyaarta waxa hoggaanka u dhiibay Diogo Jota daqiiqaddii 31aad, kaddib markii uu xerada ganaaxa ka helay kubbad uu goolka ku toogtay Darwin Nunez oo uu goolhayuhu soo celiyey, taas oo uu hal taabasho ku dhamaystiray.
Kubaddan ayaa waxa kasoo shaqeeyey Mohamed Saalah oo u dhiibay Nunez oo goolka ku toogtay darbad xooggan, balse uu badbaadiyey Matt Turner ka hor intii aanu Jota helin kubaddaas.
Afar daqiiqadood kaddib ayay Liverpool sii dheeraysatay hoggaanka, waxaana u dhaliyey goolka labaad Darwin Nunez oo goolka ku leexiyey kubbad uu dhinaca midig kasoo dhiibay Jota oo isagana marka hore uu hadiyad siiyey Mohamed Salah, iyadoo qaybta horena kusoo dhamaatay 2-0 ay hoggaanka la nasatay Liverpool.
Mohamed Salah ayaa diiday inuu qatani kaga baxo garoonka, waxaana uu shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 77aad, ka hor intii aanu Cody Gakpo oo kasoo laabtay dhaawac la wareegin weerarak ee aanu raadin gool uu kusii dheereeyo ytirada goolasha kooxdiisa.
Gakpo ayaa shabaqa soo taabtay waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta, waxaana markii ay dabbaal-degga dhamaysteen soo dhax-gashay VAR oo u sheegtay inuu offside ku jiro.
Natiijadan ayaa ka dhigan, in Liverpool ay soo gashay kaalinta saddexaad oo ay ku haysato 23 dhibcood, waxaanay saddex dhibcood ka dambeeyaan Tottenham oo hoggaanka haysa iyo Arsenal oo 24 dhibcood leh, laakiin Manchester City ayaa haddii ay ka badiso Man United waxay booska afraad u ridi doontaa Liverpool.
Be the first to comment