Laba ciyaartoy oo Manchester United ah ayaa lagu eedeeyey in ay ka shaqaynayaan sidii uu u fashilmi lahaa weeraryahanka ay Red Devils lacagta badan kasoo bixisay xagaagii ee Rasmus Hojlund, kuwaas oo isku dayay inay ku go’doomiyaan garoonka dhexdiisa oo ay kubadda ka ilaaliyaan.
Red Devils ayaa waxa xagaagii ay soo iibsatay Rasmus Hojlund kaddib markii ay ku adkaatay inay helaan Harry Kane oo maalmihii ugu dambeeyey suuqa ka degay Bayern Munich.
Rasmus ayaa ku dhibaatooday horyaalka Premier League bilowgiiba, illaa haddana ma aanu furanin xisaabtiisa gool-dhalinta horyaalka Premier League, inkasta oo uu goolal ka dhaliyey tartanka Champions League.
Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa waxa uu ku eedeeyey labada garab ee Manchester United ee Marcus Rashford iyo Antony in ay ka shaqaynayaan in uu fashilmo Rasmus Hojlund oo aanay siinayn kubbadaha isaga oo weeraryahanka reer Denmark jooga meel uu goolal ku dhalin karayo.
Rio Ferdinand oo ka hadlayay arrintan ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in aynu u baahanahay in aynu istaagno meel aynu ciyaartoydeenna kala dheeli karayno oo ay ku xooggan yihiin.
“Bal eeg Hojlund, waxa uu doonayaa in kubbadaha dhinacyada looga soo jabiyo, waxa aad arkayseen in uu madax ku dhaliyey ciyaarhii Champions League, waad aragteen sida uu u weeraro kubbadaha dhinacyada laga soo jabiyo ee karooska ah.
“Kubadda dhinaca ula orda oo usoo jabiya isaga1! Antony waxa uu kubadda dib ugu celinayaa difaaca dambe, mana soo jabinayo. Marcus isaguna kama soo jabiyo dhinaca bidix. Iska dhaafa difaacyada aad la ciyaaraysaan oo kubadda keena xerada ganaaxa.”
Be the first to comment