Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa isbeddel badan lagu samayn doonaa marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga dambe, waxaana jamaahiirta kooxda lagu samirsiin doonaa in ay sugaan waxa ay kooxdu samayn doonto xagaaga, halkaas oo ay ka unkami doonto waqti fiican oo ay kooxdu urursan doonto xiddigo u sahli doona inay guulo waaweyn gaadho.
Erik ten Hag oo xilli-ciyaareedkan ay kooxdiisu si liidata ku bilaabatay, ayaa waxay maanta la ballansan yihiin Manchester City oo ay kusoo dhoweyn doonaan Old Trafford, waxaana laga doonayaa guul si ay u helaan niyad ay ku ytartamaan.
Xagaagii tegay, Ten Hag ayaa waxa uu isticmaalay lacag ka badan £175 mi;lyan oo Gini oo uu ku xoojiyey kooxdiisa, laakiin qaar ka mid ah ciyaartoydii ay keeneen Old Trafford uguma aanay aflixin sidii ay ka filayeen, gaar ahaan Mason Mount.
Laakiin waxa uu Ten Hag kasii shaqaynayaa sidii uu ku heli lahaa ciyaartoyda uu isagu dalbanayo, waxaana u calaamadsan dhawr ciyaartoy oo muhiim ah oo uu rumaysan yahay in ay dhalan-geddi ku samayn doonaan kooxdiisa.
Ten Hag oo hore u saluugsanaa maamulka kooxda oo awoodi waayey in ay u keenaan dhawr ciyaartoy oo uu dalbaday oo ay ku jiraan Frenkie de Jong oo Barcelona ah iyo Harry Kane oo ay Bayern Munich kala wareegtay Tottenham, ayaa waxa uu qorshihiisu yahay, in xagaaga uu kooxda kusoo kordhiyo afar ciyaartoy.
Difaaca dhexe ee Barcelona ee Ronald Araujo, Danso oo u ciyaara Lens oo difaac dhexe ah, Bruno Guimaraes oo laf-dhabar u ah Newcastle una dhashay Brazil iyo Mitoma oo reer Japan ah oo ah mishiinka Brighton ayaa ku jira shaxda uu Ten Hag doonayo inuu ku dagaal galo.
Waatan shaxda Manchester United ay qorshaysanayso xilli-ciyaareedka dambe
Man United XI: Onana; Shaw, Danso, Araujo, Wan-Bissaka; Casemiro, Guimaraes, Fernandes; Mitoma, Rashford, Hojlund.
Be the first to comment