Waxa lasoo dusiyey ku guuleystaha abaal-marinta xiddiga da’yarka sannadka ee Golden Boy Awards ee bisha November la bixin doono, waxaana ku guuleystay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid iyo xulka England ee Jude Bellingham.
20 jirkan ayaa ayaa helay codadak ugu badan ee ciyaartoyda ku tartamaysay abaal-marintan, waxaana uu waliba ku qaaday iskoor rikooh ah isaga oo aad uga horreeya tartameyaasha kale ee liiska gaaban kula soo baxay.
Wariyaha ciyaaraha Felix Diaz oo ka tirsan wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa soo bandhigtay xogta tartanka Golden Boy 2023 iyo codadka la dhiibtay, waxaana la isku raacay oo la guddoonsiin doonaa Jude Bellingham.
Kubbad-sameeyahan oo laba gool dhaliyey ciyaartii El Clasico ee kooxdiisa Real Madrid ay shalay 2-1 kusoo garaacday Barcelona, ayaa waxa tan iyo markii uu yimid Real Madrid uu dhaliyey 13 gool iyo saddex kale oo uu caawiyey 13 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay, waxaana uu hoggaaminayaa tartanka abaal-marinta gool-dhalinta horyaalka LaLiga.
Labadii sannadood ee ugu dambeeyey ayuu Bellingham ku jiray tartameyaasha, waxaase ka qaaday Pedri oo kasii horreeyey, waxaanay noqonaysaa sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah ee abaal-marintan uu ku guuleysto ciyaartoy ka dheela horyaalka LaLiga.
Wargeyska Tuttosport ayaa bixiya abaal-marinta xiddiga da’yarta ee Golden Boy Award, waxaana ku guuleystaha lasii shaacin doonaa bisha November iyadoo xafladda lagu guddoonsiinayana la filayo in ay dhici doonto December 4.
Be the first to comment