Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waxa ka dhaawacmay ciyaartoy muhiim ah oo xanuun iyo adkaysi kulankii El Clasico ee Barcelona ay xalay guusha soo laabashada ah ka gaadheen, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo siddeed usbuuc ah, taas oo ka dhigan in uu seegi doono in ka badan lix ciyaarood oo ay kooxdiisu dheeli doonto.
Real Madrid oo xalay guul 2-1 ah kasoo gaadhay Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Estadi Olimpic Lluis Companys, ayaa waxa ka dhaawacmay halbowlaha khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni oo lugta hoose ay waxyeello kasoo gaadhay.
War-saxaafadeed ay soo saartay Real Madrid ayaa waxay ku sheegtay, in Aurelien Tchouameni ay jabtay mid ka mid ah lafaha faraha ee lugta bidix, isla markaana uu muddo jiifi doono.
Warka ay soo saartay Real Madrid ayaa lagu yidhi: “Kaddib baadhitaanno ay dhakhaatiirta Real Madrid ku sameeyeen ciyaartoygayaga Aurelien Tchouaemni, waxa lagaga daaweeyey dhaawac jabniin ah oo kasoo gaadhay lafta farta labaad ee lugta bidix.”
Arancha Rdoriguez oo ah wariye ciyaareed oo ku sugan Spain ayaa waxa uu sheegay, in Tchouameni uu aroomada ka maqnaan doono labada bilood ee soo socda, taasina ay dhibaato weyn ku noqon doonto Real Madrid.
Be the first to comment