Arsenal Oo Dalbatay Tchouameni, Mushaharka De Bruyne Ka Helayo Sucuudiga, Klopp & Guardiola Oo Isku Haysta Ciyaartoy Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Manchester City waxay go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga reer England ee Kalvin Phillips oo la sheegay in bisha January loo ogolaanayo inuu tago. 27 jirkan oo sannadkii 2022 ay Man City kasoo bixisay £42 milyan oo Gini oo ay kaga soo iibsatay Leeds United, ayay hadda ku iibinaysaa £50 milyan oo Gini. (Mirror)

Kooxaha horyaalka waddanka Sucuudiga ayaa mushahar waalli ah u diyaariyey Kevin De Bruyne oo 32 jir ah oo ay doonayaan in sannadka 2024 ay la saxeexdaan. Waxa ku tartamaya dhawr kooxood oo Sucuudi ah. (Football Insider)

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta waxa uu doonayaa in uu la saxeexdo khadka dhexe ee xulka Spain iyo kooxda Real Sociedad ee Martin Zubimendi oo ah 24 jir iyo khadka dhexe ee France iyo Real Madrid ee Aurelien Tchouameni oo 23 jir ah. (Mirror)

Manchester United, Chelsea iyo Manchester City ayaa ku tartamaya difaaca Crystal Palace iyo xulka England ee Marc Guehi oo 23 jir ah. (Sun)

Tottenham waxay doonaysaa in ay la saxeexato difaaca xulka Germany iyo kooxda Borussia Monchengladbach ee Ko Itakura oo 26 jir ah. (Fichajes)

Manchester City iyo Liverpool waxa ka go’an in ay ku tartamaan xiddiga Bayern Munich ee Jamal Musiala, iyadoo 20 jirkan uu joojiyey wada-hadalladii heshiis kordhinta ee uu kula jiray kooxdiisa. (Football Insider)

City waxa kale oo ay xiisaynaysaa Warren Zaire-Emery oo ah 17 jir khadka dhexe uga ciyaara Paris Saint-Germain. (Sport Zone)

Arsenal waxay ku dheggan tahay qorshaheeda ah in ay bisha January la saxeexato weeraryahan cusub, waxaana u calaamadsan Pedro Neto oo 23 jir ah, kaddib dhaawacyo kusoo noqnoqday Gabriel Jesus. (Football.London)

Weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem oo 24 jir ah, waxa uu hoos u dhigay wararka sheegaya inuu ka tegayo Napoli oo uu kusii jeedo Liverpool. (Mirror)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*