Xiddiga Ay Ku Tartamayaan Liverpool iyo Chelsea Ee Nicolas Gonzalez Oo Magacaabay Kooxda Uu Rajaynayo Inuu Ku Biiro


Xiddiga ay ku tartamayaan kooxaha Liverpool iyo Chelsea ee Nicolas Gonzalez ayaa doortay kooxda uu rajaynayo in uu u ciyaari doono, iyadoo ay isasoo tarayaan naadiyada danaynaya in ay gacanta ku dhigaan laacibkan.

25 jirkan khadka dhexe uga ciyaara Fiorentina iyo xulka Argentina ayaa waxa uu kooxo badan kusoo jiitay shaqadiisa garoomada, iyadoo 92 kulan oo uu u saftay Fiorentina uu u dhaliyey 29 gool, waxaana hadda uu ku naaloonayaa xilli-ciyaareed wanaagsan.

Nicolas Gonzalez oo la weydiiyey kooxda uu doonayo inuu u ciyaaro, mar haddii ay soo baxayaan in kooxo waaweyn oo reer Yurub, sida Liverpool iyo Chelsea ay doonayaan in ay la saxeexdaan, ayaa waxa uu sheegay in damaciisa ugu weyn uu yahay in uu dib ugu laabto kooxdiisii reer Argentina ee iver Plate.

“Run ahaantii waxa aan doonayaa in aan u ciyaaro River. Waxa aan doonayaa in walaalkay uu arko aniga oo xidhan shaadhka kooxda, waxayna ii noqon lahayd arrin cajiib ah laakiin maanta waxa aan ku suganahay Yurub oo aan doonayo in aan ku rumeeyo riyadayda.” Ayuu yidhi Nicolas Gonzalez.

Waxa uu intaa ku daray: “Uma tegayo River in aan dhax lugeeyo, laakiin waxa aan doonayaa in aan koobab kula guuleysto. Waxa aan jeclaan lahaa in aan la qaado Copa Libertadores iyo horyaalka.”

Chelsea iyo Liverpool ayaa la sheegay, in marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, in ay isku dayi doonaan saxeexa Nicolas Gonzalez oo qiimihiisa lagu sheegay £52 milyan oo Gini.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*