Cristiano Ronaldo Oo Helaya Xiddigii Uu Ku Ducaysan Jiray Ee Goolasha Ka Caawin Lahaa


Kooxda kubadda cagta Al Nassr ayaa la xidhiidhay wakiilka xiddiga reer Belgium ee Kevin De Bruyne oo ay ku ballameen in ay si degdeg ah u kulmaan oo ay isla meel-dhigeen sidii uu kubbad-sameeyahan ugu qancin lahaayeen in uu tago horyaalka waddanka Sucuudiga.

Cristiano Ronaldo oo ah ciyaartoyga indhaha kusoo jeediyey horyaalka waddanka Sucuudiga ee sababta u noqday in xiddigo waaweyn oo kalena ay tagaan, ayaa waxa la sheegay in uu ku riixayo naadigiisa Al-Nassr in ay la saxeexdaan Kevin de Bruyne, si ay iskaga garab ciyaaraan.

Ronaldo ayaa waxa uu doonayaa in khadka dhexe ee kooxdiisa Al-Nassr uu ka dheelo De Bruyne oo uu muddo dheer doonayay in ay garoonka ku midoobaan, isaga oo rumaysan in uu ka caawin doono sidii uu u dhalin lahaa goolal badan.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Rudy Galetti, Al-Nassr waxay wada hadleen wakiilka kubbad-sameeyaha Belgium, haddana waxa u hadhsan in ay laacibkan si toos ah miiska u wada fadhiistaan.

Manchester City ayaa la sheegay in ay diyaar u tahay in ay iibiso Kevin De Bruyne oo dhaawac muddo dheer ah ku maqnaanaya, isla markaana qandaraaskii cusbaa ee uu saxeexay May 2021 uu ku egyahay June 2025.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*