Dheemankii Manchester United Muddada Sugaysay Oo Dib Ugu Soo Laabtay


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dib u heshay dheemankeeda da’da yar ee khadka dhexe ee Kobbie Mainoo oo kasoo kacay dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Real Madrid ee ka dhacday waddanka Maraykanka ka hor intii aanay xilli-ciyaareedyadu bilaabmin.

Kobbie Mainoo oo Erik ten Hag uu layaabay bandhiggiisa kulamadii saaxiibtinimo ee uu ciyaaray, ayaa waxa uu 45 daqiiqadood dheelay kulankii UEFA Youth League ee toddobaadkan, taas oo uu ka baxay isaga oo taam ah oo uu tababare Erik ten Hag si toos ah ugu soo dallacsiin doono kooxdiisa koowaad.

18 jirkan oo kuraanta uu ka dhaawacmay markii ay isku dhaceen laacibka Real Madrid ee Rodrygo kulankii saaxiibtinimo ee waddanka Maraykanka, ayaa bandhig fiican ka sameeyey ciyaartii da’yarta FC Copenhagen ee xalay oo uu qaybtii hore ciyaaray.

Toddobaadkii hore, ayuu Erik ten Hag xaqiijiyey, in Kobbie Mainoo uu kasoo kabanayo dhaawaca oo uu bilaabay tababarka, haddana ay eegayaan xaaladdiisa ka hor inta aanay u badheedhin in kooxda koowaad ay keenaan.

Ten Hag ayaa la sheegay in uu ku qanacsan yahay Kobbie Mainoo oo uu doonayo inuu ka garab ciyaarsiiyo Casemiro ama Amrabat, waxaana la filayaa in uu kursiga kaydka kusoo bilaaban doono ciyaarta Manchester City ee Axadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*