QIIMAYN: Taageereyaasha Kubadda Cagta Oo Doortay 30ka Goolhaye Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Kubadda Cagta


Taageereyaasha kubadda cagta ayaa cod ku go’aamiyey 30ka goolhaye ee ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta, waxaana hoos usoo dhacay Lev Yashin oo ah laacibka loogu magac-daray abaal-marinta goolhayaha ugu fiican ee sannad kasta la bixiyo, iyo halyeygii Talyaaniga ee Dino Zoff oo dad badan ku doodaan in uu yahay goolhayihii ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta.

Inta badan goolhayeyaashii kooxaha waaweyn ee Yurub ee laga soo bilaabo sannihii 1960-meeyadii illaa hadda ayaa laga qayb-geliyey qiimayntan, iyadoo laga eegay bandhiggooda heer kooxeed iyo heer xul intaba, waxaana doodda lagu soo afjaray liis gaaban oo 30 ciyaartoy ah.

Goolhayeyaal waaweyn ayaa liiskan aan soo gelin oo soddonka ugu dambeeya hoos uga dhacay, balse ay qasab tahay in la xuso in ay ku jireen tobanka xiga, waxaana ka mid ahaa Ry Clemence England ahaa, Jens Lehmann oo Arsenal iyo xulka Germany ahaa, Fbien Barthez oo xulka France iyo Manchester United u ciyaari jiray, goolhayihii Barcelona iyo Spain ee Victor Valdes iyo mishiinka gool-dhaliyaha Brazil ee Rogerio Ceni oo isaga oo goolhaye ahaa dhaliyey 129 gool oo intooda badan ahaa laad xor ah iyo rikoodheyaasha oo uu khabiir ku ahaa.

Goolyahayaha ugu fiican waxay taageereyaasha kubadda cagtu u doorteen Gianlugi Buffon, waxaana labaad soo galay Yashin, halka goolhayaha Bayern Munich ee Manuel Nuer uu kaalinta saddexaad ak cidhiidhsaday Iker Casillas oo afraad galay iyo Oliver Kahn oo shanaad u dhacay.

Halkan kaga bogo 30ka goolhaye ee ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta

30. David Seaman – 1982-2004

29. Pat Jennings – 1963-1986

28. Ederson – 2011-Present

27. Jose Luis Chilavert – 1982-2004

26. Dida – 1992-2015

25. Dino Zoff – 1961-1983

24. Gordon Banks – 1958-1978

23. Guillermo Ochoa –  2004-Present

22. Thibaut Courtois – 2009-Present

21. Hugo Lloris – 2005-Present

20. Keylor Navas – 2005-Present

19. Jerzy Dudek – 1991-2011

18. David de Gea – 2008-Present

17. Ruslan Nigmatullin – 1992-2009

16. Kasper Schmeichel – 2006-Present

15. Sergei Ovchinnikov – 1990-2007

14. Gianluigi Donnarumma – 2015-Present

13. Marc-André ter Stegen – 2009-Present

12. Igor Akinfeev – 2003-Present

11. Alisson Becker  – 2013-Present

10. Rinat Dasayev – 1976-1991

9. Jan Oblak – 2009-Present

8. Edwin van der Sar – 1990-2016

7. Peter Schmeichel – 1981-2003

6. Petr Cech – 1999-2019

5. Oliver Kahn – 1987-2008

4. Iker Casillas -1999-2020

3. Manuel Neuer – 2005-Present

2. Lev Yashin -1950-1970

1. Gianluigi Buffon – 1995-2023

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*